Home
  Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
KLM Europa 2008
Last Updated: Jul 3, 2009 - 9:33:12 PM
Wararka
Mucaaradka oo ku biiraya DFKMG ah


Afhayeenka Isbahaysiga ARS Dr. Axmed C/llaahi oo xalay [Nov 20, 2008] Jaraa'id ku qabtay Magaalada Jabuuti ayaa sheegay in Isbahaysigoodu uu ku biirayo xukuumada Somalia.

Dr. Axmed C/llahi ayaa shirkiisa jara'id si weyn ugu faahfaahiyay bixitaanka ciidamada Ethiopia iyo qaabka ay isugu biirayaan dowlada Somalia iyo ARS oo ugu tun-weyn mucaaradka.

"Ciidamada Ethiopia waxay Somalia uga baxayaan sida uu dhigayo heshiiskii lagu gaaray dalka Jabuuti, mana dhacayso inay kusii sugnaadaan Somalia" ayuu yiri Afhayeenka ARS.

Mas'uulkan wuxuu sheegay in ciidamada Ethiopia bixitankooda ay ku daransan karaan maalmo yar, balse ay dalka kaga baxayan xiligii loogu talogalay, isagoo xusay in Ethiopia ay ka go'an tahay ka bixitaanka Somalia.

Wasiirka arimaha dibada ee Ethiopia Seyoum Mesfin oo dhawaan ka hadlay shir ay IGAD ku yeelatay Addis Ababa ayaa sheegay in ciidamadooda aysan ku sii haynayn Somalia, ayna kula baxayaan sida ugu dhaqsiyaha badan.

Ra'iisul wasaaraha Ethiopia Miles Zenawi ayaa si weyn uga niyad-jabsan bixitaanka ciidamadiisa ku sugan Somalia, iyadoo ururka Al-shabaab oo uu dagaal ku qaaday ay weli yihiin urur firfircoon.

"Markii ay ciidamada Ethiopia ka baxaan dalka, waxaa la dhisi doonaa dowlad salbalaaran oo ay ka mid noqon doonaan, taasoo ay ka mid noqon doonaan xubnaha ARS" ayuu yiri Dr. Axmed C/llaahi.

Nuur Cadde oo shalay shir jara'id ku qabtay gurigiisa Muqdisho ayaa sheegay inuu dhisi doono dhawaan xukuumad sal balaaran oo ay qayb ka noqon doonaan mucaaradka heshiiska la galay.
 
Garowe Online, Muqdisho

RELATED:
Sarkal ka gostey Maxkamdaha oo hadley
Warbixin: Dagalka oo xogeystey
Madaxweynaha PL oo ka qayb galey xuskii 1 July Minnesota

Advertisement
 

Analysis: Somalia aid tied to shaky government

EDITORS PICK:

Somalia: Mogadishu violence, exodus continue for third day
MOGADISHU, Somalia July 3 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us