From Garoweonline.com

Wararka
Mucaradka DFKMG galay Qansaxdheere
By
Jul 24, 2008 - 9:07:27 AM

Xoogag taabacsan Ururka Al-shabaab ayaa gudaha u galay Magaalada Qansaxdheere ee Gobolka Bay halkaasoo ay ka sameysteen fariisimo, isla markaana dadka ku wargelinaya inay is dajiyaan.

Goobjoogayal aya u sheegay Garowe Online in dagalyahanada Al-shabab ay shacabka ku wargeliyeen inay sameyn doonaan baaritaano ay ku sugayaan amaanka degamdaas ayna la dagaalami doonaan dableyda isbaarooyinka dhigta.

"Kooxahan waxay saldhigyo ka sameysteen xarumihii mamulka degmada, kadib markii ay iscasileen xubnihii ka taliyayay degmada" ayuu yiri C/qaadir oo ka mid ah dadka degmada Qansaxdheere oo la hadlay warbaahinta.

Ruuxaan wuxuu sheegay in dhalinyaro diimeedkaan gaaray degmadooda ay wataan gaadiid dagaal oo gaaraya 6-gaari, kuwaasoo intooda badan ay ku rakiban yihiin qoryaha darandoorriga u dhaca ee loo yaqaan Dhashiikaha.

Mas'uuliyiinta Al-shabaab ayaa lagu wadaa inay meel fagaar ah kala hadlaan shacabk Degmada Qansaxdheere, iyadoo aan la garanayn waxa ay kala hadli doonaan; kulamana la qaadan doona waxgaradka degmadaas ku nool.

Degmada Qansaxdheere oo 90-km u jirta xarunta Gobolka Bay ee Baydhabo ayuu dhawaan sheegay gudoomiyaheedii Isaaq Aadan Sham-shaam inuu is casilay, isagoo ku eedeeyay maamulka Gobolka Bay wax qabad la'aan.

Mas'uuliyiinta Al-shabaab ayaa waxay horay u tageen degmada Bardaale halkaasoo ay kula hadleen shacabka degmadaas, waxayna ku booriyeen inay dagaal adag la galaan ciidamada Ethiopia iyo kuwa DF, si Somalia loogu xukumo Diinta Islaamka.

Gudoomiyaha Gobolka Bay C/fitaan Geeseey oo wax laga weydiiya xoogagan ka tirsan Al-shabaab ee dhaqdhaqaaqyada ka wada Degmada Qansaxdheere ayaa ka gaabsaday, isagoo sheegay inuusan waxba ka ogeyn.
 
Garowe Online, Baydhabo


http://www.garoweonline.com