|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
| Last Updated: Jul 16, 2008 - 10:41:23 AM |
|
|
|
 |
 |
|
|
|
Jilib oo la qabsadey, DF oo kulan u fumay
17 May 17, 2008 - 5:57:26 AM
|
Inta la hubo 2-qof ayaa ku geeriyootay; shan ruux oo kalena waxaa kasoo gaaray dhaawacyo kala duwan, kaddib markii dagaal xooggan uu saakay waaberigii hore ka qarxay duleedka Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.
Dagaalkaan oo u dhexeeyay xoogag taabacsan Maxkamdaha Islaamiga ah iyo kooxo halkaas ay isbaaro u taallay ayaa sababay inay dhitaan laba qof oo labada dhinac ka kala tirsanaa, iyadoo kuwii ku dhaawacmay dagaalkaasna loo qaaday Isbitaalka ku yaalla Deegaanka Mareerey oo ay maamusho MSF.
Xoogagga tabaacsan Maxkamadaha ayaa la wareegay gacan ku haynta Degmada Jilib oo ka tirsan Gobolka Jubbada dhexe kagana beegan Muqdisho dhanka koofureed qiyaastii 300-km; iyagoo kooxihii ay dagaalka la galeen ka qabsaday 3-tikniko ah.
Ruux lagu magacaabo Saleebaan Sandheere oo ka tirsan dadka deegaanka ayaa u sheegay saxaafadda in kooxaha ka amarqaata Maxkamaduhu ay gaafwareegayaan xaafadaha ku yaala gudaha degmada Jilib; ayna saldhig ka dhigteen xaruntii maamulka Degmadaas.
"Waxay noo sheegeen inay doonayaan in deegaanka ka dhigaan goob nabdoon, isla markaana ay go'aansadeen inay dagaal xooggan la galaan burcadda caadeysatay inay isbaatooyinka dhigtaan" ayuu yiri Saleebaan oo la hadlay saxaafadda; isagoo intaas raaciyay in mas'uuliyiinta wata ciidamada ay u sheegeen inay gacanta ku hayaan illaa gobolka Jubbada hoose, marka laga reebo Degmada Kismaayo.
Sidoo kale goobjoogahaan; wuxuu caddeeyay in kooxihii la dagaalamay maxkamadaha ay carareen, isla markaana aan la garanayn halka ay aadeen, iyadoo xaaladduna ay tahay mid daggan.
Dhanka kale, maamulkii Degmadaas oo ka baxay saakay Jilib ayaan la garanayn halka ay abbaareen; iyadoo gacan ku qabashada Degmada Jilib ay noqonayso markii labaad oo ay xoogag taabacsan Maxkamaduhu la wareegaan.
DF oo ka shireysa amaanka Somalia
Shir aan caadi ahayn aya madaxda DF ugu sareysa maanta [May 17,2008] uga furmay Madaxtooyada Somalia [Villa Somalia], kaasoo looga hadlayo xoojin ammaanka guud ee dalka Somalia.
Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaan la garanayn inta casho ee uu socon doono, waxaana loo diiday saxafadu inay wax badan ka ogaato, iyadoo Shekh Aadan Madobe oo ah guddoomiyaha Baarlamaanka DF uu sheegay in shirkaas uu noqon doono mid ay si weyn ugu lafa guraan dagaallada ka socda gudaha Somalia.
"Xaaladda dalka uu marayo waa mid halis ah, xoogagga ka horjeeda DF waxay noqdeen kuwo qabsanaya maalin walba degmooyin cusub oo dalka ka tirsan, arrintaas ayaan ka shiraynaa go'aan cadna kasoo saaraynaa" ayuu Sheekh Aadan Madoobe u sheegay Idaacadda Banaadir oo ka mid ah idaacadaha FM-ka ah ee ka howlgala Muqdisho.
Ilo wareedyo ka tirsan Madaxtooyada Somalia ayaa waxay u sheegeen Warsidaha Garowe Online in Madaxweynaha Somalia C/llaahi Yuusuf Axmed uu dhawaanahaan kala hadlayay Ra'iisul wasaaraha Somalia Nuur Xasan Xuseen [Nuur Cadde] sidii laga yeeli lahaa kooxaha ka horjeeda DF ee dagaallada ka wada gudaha Somalia.
Nuur Cadde ayaa la sheegay in Madaxweynaha uu ku qanciyay inay sugaan shirka Jabuuti inta uu ka dhammaanayo, markaas kaddibna ay tallaabo ka qaadi doonaan kooxaha ka horjeeda DF ee dagaallada ka wada Gobollada Somalia.
Sheekh Aadan Madoobe oo afar casho ka hor soo gaaray Muqdisho ayaa la sheegay inuu u yeeray Madaxweyne Yuusuf si uu qayb uga qaato sidii ay DF ugu guulaysan lahayd inay dalka ka dhigto goob amaan ah inta ka dhiman xilliga Dowladda; ayna ula dagaalamaan kooxaha ka horjeeda oo xilligaan soo xoogeysanaya.
Saraakiil Mareykan iyo Faransiis isugu jira ayaa shalay si qarsoodi ah kusoo gaaray Muqdisho kuwaasoo kulammo kala duwan kula yeeshay Garoonka diyaaradaha Muqdisho [Adan Adde International Airport] saraakiil ka tirsan kuwa AMISOM iyo Dowladda Somalia, balse aan lama garanayo wixii ay kulankoodaas iskula garteen.
Garowe Online, Muqdisho
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|