|
|
|
|
| Last Updated: Aug 19, 2008 - 3:16:25 AM |
|
|
|
 |
 |
|
|
|
Mucardka oo dhaqdhaqaq ka wada Gedo
11 May 11, 2008 - 6:51:28 AM
|
Xoogag taabacsan Maxkamdaha Islaamiga ah ayaa waxay dhaqdhaaqaayo ciidan ka wadaan qaybo ka tirsan Gobolka Gedo; waxayna tageen dhowr degmo oo gobolkaas ka mid ah, iyagoo dadka Degmooyinkaas hadallo u jeediyay.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in xoogaggu ay wataan gaadiidka dagaalka; ayna gobolkaas uga gudbeen Gobolka ay dariska yihiin ee Jubbada dhexe, waxayna saraakiisha ciidamadaas wata sheegeen inay ciidamada Ethiopia kula dagaalami doonaan Gobolka.
Ciidamadaan ka tirsan Maxkamadaha ayaa waxay dhawaan gaareen degmada Baardheere ee Gobolka Gedo; iyagoo ku sugnaa muddo 24-saacadood ah, waxaana si weyn looga dareemay ciidankaan gudaha iyo daafaha Degmadaas.
Degmada Buur-dhuubo oo ay gaareen ciidamadaan ayaa waxay kula hadleen dadka rayidka ah ee halkaas ku dhaqan, iyagoo u sheegay inay damacsan yihiin inay la dagaalamaan ciidamada Ethiopia oo ku sugan Degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo.
"Annagu waxaan doonaynaa inaan la dagaalanno ciidamada Ethiopia iyo kuwa gacanta siinaya, balse ma doonayno inaan faragelinno maamulka ay sameysten dadka deegaanka, sidoo kalena ujeedadeenu ma ahan inaan rabshado ka abuurno gobolka Gedo" ayuu yiri Max'ed Jabriil Xasan oo ka mid ah saraakiisha hoggaaminaya xoogagga Maxkamadaha ee dhaqdhaqaaqyada ka wada Gobolka Gedo.
Shacabka Gobolka Gedo ayaa waxay dareen xoogan ka muujiyen dhaqdhaqaqyada ay ka wadaan Gobolka xoogagga taabacsan Maxkamadaha, iyadoo cabsida weyn ka muujiyay dagaallo harqiya Gobolka.
Ciidamo Ethiopian ah ayaa ku sugan Degmada Luuq ee Gobolka Gedo iyo deegaanno kale oo gobolkaas ka tirsan, waxayna dagaallo ka dhaca ay saameyn ku yeelan karaan dadka Gobolkaas oo ay daashadeen abaaro iyo dagaal beeleedyo.
Maamulka cusub ee dhawaan loo doortay Gobolka Gedo ayaan ka hadlin haba-yaraatee dhaqdhaqaaqyadaan ay ka wadaan Gobolka Gedo xoogagga taabacsan Maxkamadaha Islaamiga ah.
Garowe Online,Gedo
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|