Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Apr 3, 2012 - 2:47:55 AM
Wararka
Mudug oo Sanaag ka adkaatey


Garoonka kubadda cagta magaalada Garowe ee Mire Awaare ayaa waxa ka socda tartanka 6-aad ee gobollada Puntland ,waxana maanta 5,Feb ,2012 ciyaaro xiiso kululi ku dhexmareen gobollada Mudug & Sanaag iyo Sool & Cayn.

Kulankii hore maanta ayaa waxa uu dhexmarey gobollada Mudug iyo Sanaag oo labaduba soo badshey kulankii hore ay ula soo ciyaareen labada kooxdood ee kale oo kula jira Group-ka B.

Inkastoo isku dheelitirneyd ciyaartu oo la ismariwaayey badi inta ay socotey ayaa haddana laba kooxood ee garoonka ku  jirey waxay soo bandhigeen ciyaar aad u wanaagsan oo soo jiidatey indhaha dadkii u soo daawasho tagay galabta.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala baxay natiijadii ay ku bilaabatey ee 0-0 ,waxana dib loogu soo laabtey nasasho kadib garoonka oo labaduba ku rajo wanyahay inay keensadaan gool kor u qaada rajada ay ka qaabaan u gudbida marlaxada cigta ee Semi-Finalka.

Bartamihii qaybtii danbe ee ciyaarta ayaa weeraryahanka gobolka Mudug Ciise Maxamed Ciise waxa uu gobolkiisa u keenaya gool u horseedey Mudug inay hanato dhibcaha saddexda ee ciyaarta,waana mida ka dhigtey dhibcaha Mudug 6 halka Sanaag ay ku istaagtey 3 dhibcood.

Dhanka kale waxay ciyaartii labaadi Mire Awaare ku dhexmartey kooxaha Sool iyo Cayn oo labada laga soo badshey kulamadii ay horey  usoo ciyaareen.

Kooxda Sool ayaa ku gacansareysey badi xiliyadii ciyaartu socotey.waxana qaybtii hore ay keensadeen gool aad u farxad geliyey asxaabta ay ku lahaayeen galabta tarabuunka Mire Awaare.

Isku soo laabadkii danbe iyada oo laga war sugayo in Cayn boorka iska jafto oo keensato natiijo ay kula mid noqoto Sool ayaa ciyaaryahanka Sool werarka u dheela waxa uu gobolkiisa u saxiixey goolkii labaad.

Ciyaartoyda Cayn ayaa ku baraarugey laba goo loo shabagoodi ruxey ,waxana isla garteen inay abaabulaan weerar looga gun leeyahay inay ismuujiyaan oo soo bandhigaan dadaal qanciya tageerayaashooda,waxana ay keensadeen gool aan waxba u tarin.

Sool 2-1 Cayn ayay ku soo dhamaadey kulankii danbe ee galabta ka dhacey Garowe,waxana Sool u dalacdey 3 dhibcood halka Cayn ay dhaafi weydey waxba.

Maalinta beri ahna waxaa la filayaa inay dhacaan kulamdii ugu danbeeyey Garoup-ka A oo Nugaal 6 dhibcood banaan dhigatey,halka Bari iyo Karkaar kii badshaa soo baxo.







GAROWE ONLINE
RELATED:
Odeyasha oo laga baajiyey Turkiga
Dagaal culus oo Dayniile ka dhacay
WFP oo xayiraad lagu soo rogay

Advertisement
 

Somalia: Why rush such an important constitution?[Editorial]

EDITORS PICK:

Somalia leaders meet at African Union headquarters for constitution, elections process
ADDIS ABABA, Ethiopia May 21, 2012 (Garowe Online)

Statement of the President of Puntland State of Somalia H.E. Abdirahman Mohamed Mohamud (Farole) at Meeting of Somali Principals

Somalia: Amb. Mahiga warns Somali politicians to stop meddling with selection process

Somalia: Ethiopia military to increase onslaught against Al Shabaab

This week in Somalia

Somalia: Amb. Mahiga calls for ‘transparent’ inquiry to Hargeisa land dispute

Somalia: Roadmap signatories will meet to discuss progress

Somalia: SRSG Statement on Hargeisa Incident

Plenty rain in Somalia

Somalia: Multiple explosions in Mogadishu kill 8

Somalia: Ethiopia commander in Somalia says 'not a problem to liberate Kismayo'

Somalia: Kenya police loot businesses in Dadaab after explosion

Somalia: Statement by the President of Puntland State of Somalia H.E. Abdirahman Mohamed Mohamud (Farole) Presented at Indian Council on World Affairs

Somalia: MSF to restructure health support in Galgaduud due to deteriorating security

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us