Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Apr 3, 2012 - 2:47:55 AM
Wararka
Mudug oo dubatey Sool


Tartanka kubadda cagta ee gobollada Puntland ayaa maanta 2.Feb.2012 galay maalinkiisa labaad,waxana garoonka Mire Awaare ka dhacey labo kulan oo iskaga horyimaadeen afar kooxood.

Ciyaartii kowaad ee maanta dhacdey ayaa dhexmartey gobollada Sool iyo Mudug,waxana ay ahayd mid xiiso gaar ah leh marka la eego awooda labada koxood iyo xifaaltankii ka dhaxeyey oo marar badan isku soo aaden.

Gobolka Mudug oo ciyaar ahaan ka roona gobolka Sool ayaa qaybtii hore ee kulanka waxay dhaliyen labo gool oo yaab geliyey ciyaartoyda iyo taageerayaasha gobolka Sool.

Ka dib nasasho ayaa dar dar iyo weerar waxa garoonka lasoo galay ciaaytoyda gobolka Sool oo hiilo badan ka helayay tarabuunka Mire Awaare galabta,waxana u suurtagashey inay keensadaan gool kor u qaaday rajadooda.

Xili ay filayeen taageerayaasha gobolka Sool inay kooxdoodu dib uga soo bilaabi doonaan kulanka kow oo bar-bardhaca keenidoonaan,ayaa waxa soo wajahdey kooxda caqabad aad u wayn ka dib markii garsooraha ciyaartu uu kaarka casaanka ah (Red Card) u taagey laba ciyaartoy oo katirsan Sool kuwaasi oo ku kacay falal kabaxsan anshaxa garoonka muddo u dhaxeysey 7-daqiiqo.

Gobolka Mudug ciyaartoydiisa ayaa ku adeegay natiijada ciyaarta ay ahayd oo difaac inat ay galeen ayay ciyaartii waxa ku dhamaatey 2-1 oo Mudug ku hanteen saddexdi dhibcood ee ugu horeeyey tartanka gobollada Puntland.

Dhanka kale waxa isla Mire Awaare qaybtii danbey ku hardamay kooxaha Karkaar iyo haylan oo durbadiiba gool kaga naxsadey gobolka Karkaar.

Ciyaartoyda gobolka Karkaar ayaa abaabuley weeraro tiro beel ah oo baadi goob u galay sidii ay u keensan lahaayeen goolka bareejada,waana mida suuragashey bartamihii qaybtii hore ee kulanka oo 1-1 dib loo keeney dhexda kubadda.

Is-aragii danbe ayaa ciyaartoyda gobolka Karkaar waxay dhankoodi ka wadeen weerarkii ay ku qaadayeen dhanka goolhayaha Haylan,waxana ay ka keensadeen goolkii labaad oo ay ciyaarta ku hanteen dhibceheedi saddexda ah, iyadoona lagu soo afmeerey kulankii danbe Karkar 2-1 Haylan.

Halkan ka daawo sawiradii galabta ee kulamadii Mire Awaare














GAROWE ONLINE
RELATED:
Odeyasha oo laga baajiyey Turkiga
Dagaal culus oo Dayniile ka dhacay
WFP oo xayiraad lagu soo rogay

Advertisement
 

Somalia: Why rush such an important constitution?[Editorial]

EDITORS PICK:

Somalia leaders meet at African Union headquarters for constitution, elections process
ADDIS ABABA, Ethiopia May 21, 2012 (Garowe Online)

Statement of the President of Puntland State of Somalia H.E. Abdirahman Mohamed Mohamud (Farole) at Meeting of Somali Principals

Somalia: Amb. Mahiga warns Somali politicians to stop meddling with selection process

Somalia: Ethiopia military to increase onslaught against Al Shabaab

This week in Somalia

Somalia: Amb. Mahiga calls for ‘transparent’ inquiry to Hargeisa land dispute

Somalia: Roadmap signatories will meet to discuss progress

Somalia: SRSG Statement on Hargeisa Incident

Plenty rain in Somalia

Somalia: Multiple explosions in Mogadishu kill 8

Somalia: Ethiopia commander in Somalia says 'not a problem to liberate Kismayo'

Somalia: Kenya police loot businesses in Dadaab after explosion

Somalia: Statement by the President of Puntland State of Somalia H.E. Abdirahman Mohamed Mohamud (Farole) Presented at Indian Council on World Affairs

Somalia: MSF to restructure health support in Galgaduud due to deteriorating security

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us