From Garoweonline.com

Wararka
12-qof ku dhintay dagaalo
By
Mar 10, 2010 - 6:52:40 AM

Ugu yaraan 12-qof oo rayid u badan ayaa ku dhintay dagaalo shalay iyo saakay ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 20-qof oo ay ku jireen dhinacyadii ay dagaaladu u dhexeeyeen.

Dagaal saakay aroortii ka bilowday degmooyin dhanka waqooyi ee Muqdisho ku yaala ayaa sababay dhimashada 8-qof oo ay ku jiraan dhinacyadii dagaalku u dhexeeyay, waxaana ku dhaawacmay 15-qof oo kale.

Xaafado ka tisran degmada C/casiis ee waqooyiga Muqdisho ayay dagaalada ugu xoogan ka dhaceen waxaana dadka ku harsan degmooyinkaas ay sheegeen in dhinacyadu ay isku adeegsadeen hubka noocyadooda kala duwan.

"Dagaalku wuxuu ku bilowday madaafiic, waxaana dadka dhintay ay u badnaayeen rayid ka mid ahaa dadkii xaafadaha ku harsanaa, waxaan arkay dhowr qof oo qaba dhaawacyo kala duwan" ayuu yiri wiil ku sugan degmada Shibbis.

Madaxa hay'adda Ambulance-yada Muqdisho Cali Muuse Sheekh ayaa u sheegay saxaafada inay gaadiidkoodu ka qaadeen xaafadihii lagu dagaalamay 10-qof oo qaba dhaawacyo kala duwan.

"Dadka aan ka qaadnay goobahaas waxay ahaayeen dhamaantood rayid, waxaana arkay dhimashada dhowr qof oo rayid ahaa" ayuu yiri Cali Muuse oo aan wax faah-faahin ah oo intaas ka badan bixin.

Madaafiicda ay dhinacyadan isdhaafsanayeen ayaa ku dhacay xaafado ka baxsan halka ay dagaaladu ka dhaceen, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in khasaare ay ka gaartay dad rayid ah.

Al-shabaab iyo DF ayaa guulo ka kala sheegtay dagaalka iyadoo dhinac walba uu sheegay inuu dhicii kale ka saaray halkii uu ku sugnaa, sidoo kalena ay iyagu ku sugan yihiin, iyadoo isku tuurtuuray khasaaraha shacabka gaaray.

Dhanka kale, dagaal u dhexeeyay ciidamo kawada tirsan DF oo ka dhacay jidka Maka Al-Mukaraha galinkii dambe ee shalay ayaa sababay dhimashada 4-qof oo rayid ah, kuwaasoo ay ku jirtay haweeney waalan, waxaana ku dhaawacmay 5-qof oo intooda badan ay ahaayeen ciidamadii dagaalamay.

Iskahorimaadkan oo iskiis u istaagay ayaa wuxuu ka dhashay khilaaf ku saabsan ciidamo doonayay inay gaadiid ganacsi waday oo ay doonayeen qaar ka mid ah ciidamada inay lacago baad ah ka qaataan.

GAROWE ONLINE



http://www.garoweonline.com