Ugu yaraan 17-qof ayaa ku dhintay 50-kalena way ku dhawacmen dagaal u dhexeyay DF iyo kooxaha kasoo horjeeda oo socday in ka badan 5-saacadood, kaasoo shalay galinkii dambe ilaa xalay fiidkii ka socday Muqdisho.
Dagaalka ayaa ka dhacay degmooyinka Kaaraan & Yaaqshiid oo todobaadyadan isku horfadhiyeen ciidamada dowlada iyo Islaamiyiinta iskaashanaya sida Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam, iyadoo dhinac walba uu iska fogeeyay inuu isugu weerarka qaaday.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalku uu ahaa mid culus ayna labada ciidan isku adeegsanayeen hubka fudud iyo kan culus, kuwaasoo qaarkood ku dhacay guryo ay dad rayid ah ku noolaayeen.
"Ugu yaraan 7-qof oo ka mid ah dadka dagaalka ku dhintay waxay kasoo jeedeen hal qoys oo uu madfac kula dhacay gurigooda oo ku yaala degmada Karaaan" ayuu yiri suxufi madax banaan oo ku sugan degmada Kaaraan.
Wariyahan wuxuu intaas ku daray in guri kale oo ku yaala degmada Yaaqshiid uu ku dhacay Madfac, kaasoo sababay inay dhintaan 5-qof oo ay ku jireen hooyo iyo caruur ay dhashay.
Madaxa gaadiidka gargaarka deg-dega ee ay ku deeqeen shirkadaha LIFE-LINE AFRICA iyo NATIONLINKS TELECOM Mr. Rufaaci Ax'ed Salaad ayaa sheegay inay qaadeen dhaawacyada 50-qof ayna gaarsiiyeen Isbitaalada Muqdisho.
Wasiir u dowlaha Gaashaandhiga Somalia Sh. Yuusuf Max'ed Siyaad [Indha-cadde] ayaa saxaafada u sheegay in dagaalkii shalay [Jul 01] ay ku dileen 3-qof oo ajnabi ah, kuwaasoo ka barbar dagaalamayay Islamaiyiinta ku kacsan dowlada.
"Sadex qof oo ajnabi ah ayaan ku dilnay dagaalkii shalay, waxaana u soo bandhigaynaa maydadkooda saxaafada... midi waa African, labada kalena waxay iila muuqdaan Asian ka yimid Pakistan iyo Afghanistan" ayuu yiri Yuusuf Indha-cadde.
Hadlaka Wasiir u dowlaha Gaashaandhiga DF waxaa beeniyay Afhayeenka Xisbul Islam Sh. Muuse Cabdi Caraale oo sheegay in ciidankooda aysan ka barbar dagaalamin xubno shisheeye ah, wuxuuna dagaalka ku eedeeyay dowlada.
Degmooyinka Karaan & Yaaqshiid ayaa saakay xasiloon, iyadoo dagaalkii shalay Arbacadii dhacay uu noqonaya kii ugu khasaaraha badnaa ee todobaadyadan dhexmara dowlada iyo kooxaha qorsheynaya inay xilka ka tuuraan.
GAROWE ONLINE