Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Apr 3, 2012 - 2:47:55 AM
Wararka
Muqdisho: Ardey loo qaadey Turkiga


Ugu yaraan 300 oo arday Soomaaliyeed ah oo deeq waxbarasho ka helay Turkiga ayaa maanta laga dhoofiyay Muqdisho, waxaana ay qayb ka yihiin 700 arday oo deeq waxbarasho ka helay xukuumadda Ankara.

Ardayda laga dhoofiyay Muqdisho ayaa waxay isugu jireen gabdho iyo wiilal kuwaas oo lasoo barayo Diinta Islaamka iyo Luuqadaha, iyadoo ardayda kale ee dhiman la dhoofin doono Maalinta Berri ah, sida uu safiirka Turkiga ee Somalia saxaafada ugu sheegay Muqdisho.

Wasiiro ka tirsan DF ayaa sheegay in deeqdan waxbarasho ay tahay midi ugu wanaagsanayd ee Ardayda Soomaaliyeed ay ka helaan dalka Turkiga, marka ay soo dhameystaan waxbarashadoodana ay dib ugu soo laaban doonaan Somalia.

"Qaar ka mid ah ardayda waxaa lasoo barayaa Qur'aanka Kariimka iyo Maamulka Masaajidda sida imaamnimada, kuwo kalena waxaa lasoo barayaa luuqado kala duwan oo ay midda Turkigu ka mid tahay" ayuu yiri Mas'uul u hadlay DF.

Ardayda la dhoofinayay ayaa waxay sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin inay ka helaan waxbarasho dalka Turkiga, iyagoo uga mahadceliyay DF iyo Turkiga deeqda waxbarasho ee ay heleen, waxaana ardaydu ay u badnaayeen kuwo da'yar ah.

"Wadan walba wuxuu horumarkiisu le'eg yahay inta ay dadkii aqoontoodu le'eg tahay, waxaan rajeynaynaa in Ardaydan ay dalkooda kusoo laabtaan markii ay wax soo bartaan ayna aqoonta ay soo bartaan dabaqaan" ayuu yiri safiirka Turkiga ee Somalia.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Arday deeq waxbarasho ka hela dalka Turkiga loo dhoofiyo halkaas, balse waxaa sanadkii hore la dhoofiyay ilaa 600 oo arday oo helay deeqo waxbarasho oo kala duwan.

Dhanka kale, diyaaradii qaaday ardayda waxbarashada helay oo ahayd Turkish Arilines ayaa waxay geysay Muqdisho qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qarax ka dhacay Muqdisho [Oct 04, 2011], kuwaasoo ay ku jireen dad curyaamay.

GAROWE ONLINE
RELATED:
Odeyasha oo laga baajiyey Turkiga
Dagaal culus oo Dayniile ka dhacay
WFP oo xayiraad lagu soo rogay

Advertisement
 

Somalia: Why rush such an important constitution?[Editorial]

EDITORS PICK:

Somalia leaders meet at African Union headquarters for constitution, elections process
ADDIS ABABA, Ethiopia May 21, 2012 (Garowe Online)

Statement of the President of Puntland State of Somalia H.E. Abdirahman Mohamed Mohamud (Farole) at Meeting of Somali Principals

Somalia: Amb. Mahiga warns Somali politicians to stop meddling with selection process

Somalia: Ethiopia military to increase onslaught against Al Shabaab

This week in Somalia

Somalia: Amb. Mahiga calls for ‘transparent’ inquiry to Hargeisa land dispute

Somalia: Roadmap signatories will meet to discuss progress

Somalia: SRSG Statement on Hargeisa Incident

Plenty rain in Somalia

Somalia: Multiple explosions in Mogadishu kill 8

Somalia: Ethiopia commander in Somalia says 'not a problem to liberate Kismayo'

Somalia: Kenya police loot businesses in Dadaab after explosion

Somalia: Statement by the President of Puntland State of Somalia H.E. Abdirahman Mohamed Mohamud (Farole) Presented at Indian Council on World Affairs

Somalia: MSF to restructure health support in Galgaduud due to deteriorating security

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us