Fadhigii maanta ayaa waxa shir gudoominayey gudoomiye Maxamed Cismaan Jawaari ,waxana ka soo qaybgalay 225 mudane oo haa u taageen kalsoonida xukuumadda 219 halka saddex diidey saddex kalena ay ka aamustey.
Wasiirada la magacaabay iyo Raysal wasaaraha ayaa dhankooda ka fadhiyey hoolka ,iyadoona ka dib ansixinta uu hadalo kooban ka jeediyey Saacid madasha.
Maalinta beri ah ayaa lagu wadaa in la dhaariyo wasiirada cusub ee DF Somalia kuwaasi oo si toos ah uga shaqo bilaabi doona xafiisyadoodi Muqdisho.
GAROWE ONLINE