Gudiga qoraalka dastuurka cusub ee Somalia ee madaxa banaan ayaa maanta shacabka Muqdisho u bandhigay dastuurka qabyada ah ee lagu soo qoray dalka Jabuuti, sida madaxa gudigan maanta oo Arbaco ah u sheegtay saxaafada.
Dastuurkan cusub oo ka kooban 76-qodobo ayaa la sheegay in shacabka loogu bandhigay si ay aragtiyadooda uga dhiibtaa, wixii ay kusoo daraana lagu dari doono, dibna loo soo saari doono si loogu badalo dastuurkii hore ee Somalia.
"Waxaan ugu talogalnay daraafkan qabyada ah ee dastuurka in dadku ay aragtiyadooda ka bixiyaan, si loo xushmeeyo aragtiyada shacabka, runtiina waan ku faraxsanahay inaan u soo bandhigno shacabka " ayay tiri Sahro Cumar Malin oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho.
Haweeneydan madaxda u ah gudiga ayaa sheegay in aragtiyada shacabka ay ururin doonaan ayna ku biirin doonaan dastuurka kuwii macquul ah, iyadoo shacabka ugu baaqday inay talooyinkooda ka bixiyaan dastuurka cusub.
Madaxda DF ayaa horay loogu gudbiyay nuqulka, iyadoo la sheegay inay iyaguna kasoo bixin doonaan fikirkooda, iyadoo Sahro Malin ay sheegtay in madaxda DF laga doonayo inay talooyinkooda soo hormariyaan si loogu dabaqo kuwa shacabka.
Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka DF ayaa mucaaraday dastuurkan cusub iyagoo ku tilmaamay inuu yahay mid aan sharciga la waafajin gudiga qoraya iyo bilowga qoraalkiisa, laguna soo qoray dal shisheeye.
Gudigan ayaa horay ugu gudbiyay dastuurkan qabyada ah maamulka Galmudug ee ka dhisan koonfurta Gaalkacyo, halka xaflad lagu soo bandhigayay isla dastuurkan ay ka dhacday [Aug, 29] Magaalada Garowe ee caasimada Puntland.
Dastuurkan ayay DF sheegtay inay afti u weydiin doonto shacabka Soomaaliyeed ka hor inta aan laga ansixin baarlamaanka, iyadoo aan la ogeyn qaabka dadka loo weydiin doono afti, maadaama dalka intiisa badan laga hayso Dowlada Somalia.
GAROWE ONLINE