Garsoorayaal lagu dhaariyay Muqdisho 28 Jul 28, 2012 - 6:41:22 AM
Garsoorayaal tiradoodu tahay 52 ayaa maanta 28 July,2012 lagu dhaariyay Muqdisho, iyadoo ay mas'uuliyiintii xaflada dhaarinta ka hadlay sheegeen inay ka howgeli doonaan maxkamadaha gobolka Banaadir iyo kuwa kale ee dalka.
Dhaarinta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Somalia. Sh. Shariif Sh. Axmed iyo xubno wasiiro ah, waxaana Garsoorayaashan dhaariyay Wasiirka Arimaha Diinta ee DF Axmed Xasan Gaboobe (Ugaas Bile).
"Waxaa la idinka doonayaa inaad si wanaagsan u shaqeysaan waayo garsoorku waa halka ay umadi ka toosto ama ka qaloocato" ayuu yiri Wasiirka Diinta oo hadlay dhaarinta kadib.
Madaxweynaha Somalia ayaa isaguna sheegay inay wax lagu farxo tahay in salka loo dhigay garsoorka Somalia sanado badan kadib, isagoo sheegay in garsoorka uu ka mid ahaa waxyaabihii ay sameeynta xoogan ku yeesheen dhibaatooyinkii dalka ka dhacday.
"Garsoorka waxaa saameyn ku yeeshay dhibaatada dalka ka dhacday, balse waa mahad in dib loo soo celiyay, waxaana la idinka doonayaa inaad ku shaqeysaan daacadnimo, wadaninimo iyo karti" ayuu Madaxweynuhu ku booriyay gasoorayaasha la dhaariyay.
Sidoo kale Gudoomiyaha Maxkamada Sare Caydiid C/laahi Ilka-Xanaf oo isaguna ka hadlay xaflada dhaarinta ayaa sheegay in garsoorka uu yahay aasaaska dowladeed ee dalka, isagoo intaas ku daray in Dastuurka Cusub aan lagu xusin xuquuqda ay leeyihiin dadka ka shaqeeya Garsoorka.
"Waxaa marag ma doonto ah in garsoorku uu yahay tiirka dowladnimo ee dal walba, waxaase jirta in Dastuurka Qabyada aan lagu xusin, waxaana dalbanaynaa in naloo ogolaado inaan ergada u sharaxno howlaha uu garsoorku qabto, si dastuurka uu kaalin weyn ugu yeesho" ayuu yiri Mudane Ilka-Xanaf.
Garsoorayaashii la dhaariyay oo Haween iyo Rag isugu jiray ayaa waxay sheegeen inay ka go'an tahay inay si daacad ah u shaqeeyaan, ayna wax badan ka qabtaan xaaladaha garsoor ee dalka ka jira.