Muqdisho: Howlgalo dad lagu qabtay 5 Jul 5, 2012 - 8:35:36 AM
Saraakiisha DF ayaa sheegay in Howlgalo ay Ciidamadoodu ka sameeyeen Muqdisho maanta 5 July,2012 lagu soo qabqabtay xubno xiriir la leh Al-shabaab kuwaasoo tiradoodu ay gaarayso boqolaal qof.
Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir ee DF Khaliif Axmed Ereg ayaa sheegay in ciidamadu ay bartilmaameed ka dhigteen dhowr degmo oo ku dhuumaaleysanayeen Al-shabaab, isagoo sheegay in howgalkan uu ahaa mid lagu xaqiijinayo amaanka Muqdisho.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamadu ay dhalinyaro fara badan kexeeyeen kuwaasoo ay ku jireen kuwo ganacsi haystay, iyadoo saraakiisha dowladu ay u sheegeen wariyeyaasha in 230 ruux oo ka mid ah dadkii la qabqabtay ay noqdeen kuwo xiriir la leh Al-shabaab.
"Howgaladan waa kuwo lagu sugayo amaanka Muqdisho, waxayna socon doonaan inta laga nadiifinayo Magaalada kuwa Al-shabaab la shaqeeya" ayay saraakiil DF ka tirsan u sheegeen warbaahinta.
Saraakiishu waxay sheegeen in cidii aan dambiga wax ku lahayn lasii dayn doono balse qofkii uu dambigu ku cadaado la horgeyn doono Maxkamad lana xukumi doono, waxayna sheegeen in howgalada ay iska kaashan doonaan Booliiska, Milateriga iyo Nabadsugida.
Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa booqday degmooyinkii baaritaanada lagu sameeyay isagoo sheegay in howshan ay qayb ka tahay qorshayaal lagu doonayo in lagu xasiliyo Caasimada Somalia.
Dadka lasoo qabqabtay ayaa waxaa la isugu geeyay geerashyo ku yaala xaafado ka tirsan Degmooyinka ay howlgaladu ka socdeen oo kala ah: Yaaqshiid, Huriwaa, Wardhiigley iyo Qaybo ka tirsan Degmada Dayniile.
Howlgaladan oo lagu tilmaamay kuwii adkaa ee laga sameeyo Muqdisho ayaa waxay kusoo beegmayaa xili habeenadii ugu dambeeyay ay Muqdisho ka dhacayeen weeraro ay geysanayaan kooxo hubeysan oo la sheegay inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab.