Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Dec 15, 2011 - 11:05:44 AM
Wararka
Maxamad Cabdi-Nur oo tanaasuley


Masharax Maxamad Cabdi-Nur oo maanta 06-1-2008 xaflad ay kasoo qayb galeen Islaan Ciise Islaan Maxamad, Suldaan Siciiid Maxamad Garaase, Musharax Cabdiraxman Maxamad Faroole, Aadan Maxamad Ciise Gadaale iyo  guddiyada u ololeynaya labada ayaa ka dhacdey gurriga murashaxa.

Xafladaan oo si wanaagsan loo soo agaasimey ayaa waxaa hadal kooban ka jeediyey Murashax Maxamad Cabdi-Nur  isaga oo sheegey in u tartanka xilka Madaxweyna-nimada Puntland ka ahayd mid ku doonayey inuu wax kaga badalo xaalka maanta Puntland ku sugan tahay.

Mud. Cabdi-Nur ayaa isaga oo hadalkiisa sii sheegey inuu go'aansadey u tanaasulida murashax Cabdiraxman Farole kadib markii uu qiimeyn ku sameeyey xaladaha jira kuwasoo surtagalin kara ku guuleysiga xilka Madaxweynaha Puntland hadii uu ku biiriyo awooda siyaasadeed ee uu leeyahay.

Murashaxa ayaa xusey in tanaasulkaan yimid kadib markii wadahadal muddo dheer u socday Cabdiraxman Faroole kuwaasoo sababey go'aanka uu maanta gaarey.

Murashax Cabdiraxman Faroole oo goobta ka hadlay ayaa u mahad celiyey Mud.Maxamad Cabdi-Nur go'aanka geesinimada ah ee uu gaarey isaga oo xusey iney tahay mid taariikhi ah.

Waxaa sidoo kale ka hadlay goobtas Murashax Gadaale oo soo dhoweeyey go'aanka Maxamad Cabdi-Nur isaga oo xusey in ay mudan tahay in loo mahad celiyo murashaxiinta kale ee tanaasushay.

Dhinaca kale waxaa isla-goobtaan hadalo ka jeediyey Suldaan Garase iyo Islaan Ciise iyo xubno kale.

Waxaan idiin soo gudbin doonaa shir saxafadeed murashaxu qaban doono galabta.

Radio Garowe,Garowe

RELATED:
Khasaarihii dagaalkii Buuhoodle
Barlamanka DF oo laga hadlay
Kolnyo Kenyan ah oo la weeraray

Advertisement
 

Islam -- Muhammad: The Last Prophet of God (SAW)

EDITORS PICK:

Somalia: Puntland leader warns of 'new civil war' as Somaliland forces attack Buhodle
BUHODLE, Somalia Feb 8, 2012 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us