Gaashaanbuurta NATO ayaa sheegtay inay maraakiib dagaal oo ka hortaga falalka burcadbadeednimo u dirayso biyaha ku dhow Somalia.
Go'aanka ay qaadatay NATO ayaa ka dhashay qaylo-dhaan caalami ah oo
la doonayo in wax lagaga qabto afduubka ka dhaca gacanka cadmeed oo ay
maraan maraakiibta isaga gooshaysa caalamka.
NATO ayaa sheegtay in burcadbadeeda Somalidu ay caado ka dhigteen
weeraro ay ku qaadaan maraakiibta mara xeebaha dalkaas iyo kuwa ku
dhow, ayna isku dayayaan inay falkaas ka hortagaan.
Maraakiibta gaashanbuurtan dirayso ayaa la sheegay inay sidoo kale
gacan ka geysan doonaan ilaalinta maraakiibta shixnada gargaarka ah
wada ee ku wajahan Somalia.
"Qaramada Midoobay ayaa codsatay in la xaqiijiyo galbinta
maraakiibta u raran WFP ee sida gargaarka, sida la ogyahayna Malaayiin
Somali ah ayaa khatar ugu jira geeri hadaan sidaa la yeelin" ayuu yiri
xoghayaha guud ee gaashaanbuurta NETO
Jaap de Hoop oo shir jaraa'id ku qabtay dalka Hungary.
Sidoo kale, wuxuu sheegay inay ilaalo ka qabanayaan biyaha hareeraha
ka xiga Somalia si loo joojiyo ama looga hortago falalka
burcadbadeednimo ee lagu afduubo maraakiibta.
"Dhawaana waxaa xeebaha Somalia tagaya maraakiibta dagaal ee NATO,
waxanaa rajeynayna inay ka hortagaan burcada iyo inay galbiyaan
maraakiibta wada shixnadaha gargaarka, waxayna ila tahay inay tani war
wanaagsan u tahay Somalida, war xuna u tahay burcadbadeeda" ayuu mar
kale yiri
Jaap de Hoop.
Talabadan ay NATO qaaday ayaa waxay xoojin u tahay go'aan ay
qaateen EU-da kaasoo ah inay ilaalo xoogan ka qabanayaan biyaha ka
baxsan Somalia, si ay uga horagaan burcabadeednimada.
Ruushka ayaa isaguna go'aankaas ku raacay midowga Yurub, wuxuuna
xusay inuu maraakiib dagaal oo la dagaalama burcadbadeeda u dirayo
Somalia; iyadoo dunidu ay ku baaqday in gacan bir ah lagu qabto
burcadbadeeda Somalida ah oo lacago badan ka qaata Maraakiibta ay
qabsadaan.
Garowe Online, Muqdisho