From Garoweonline.com

Wararka
NATO oo Maraakiib u diraysa Somalia
By
Oct 10, 2008 - 9:27:41 AM

Gaashaanbuurta NATO ayaa sheegtay inay maraakiib dagaal oo ka hortaga falalka burcadbadeednimo u dirayso biyaha ku dhow Somalia.

Go'aanka ay qaadatay NATO ayaa ka dhashay qaylo-dhaan caalami ah oo la doonayo in wax lagaga qabto afduubka ka dhaca gacanka cadmeed oo ay maraan maraakiibta isaga gooshaysa caalamka.

NATO ayaa sheegtay in burcadbadeeda Somalidu ay caado ka dhigteen weeraro ay ku qaadaan maraakiibta mara xeebaha dalkaas iyo kuwa ku dhow, ayna isku dayayaan inay falkaas ka hortagaan.

Maraakiibta gaashanbuurtan dirayso ayaa la sheegay inay sidoo kale gacan ka geysan doonaan ilaalinta maraakiibta shixnada gargaarka ah wada ee ku wajahan Somalia.

"Qaramada Midoobay ayaa codsatay in la xaqiijiyo galbinta maraakiibta u raran WFP ee sida gargaarka, sida la ogyahayna Malaayiin Somali ah ayaa khatar ugu jira geeri hadaan sidaa la yeelin" ayuu yiri xoghayaha guud ee gaashaanbuurta NETO Jaap de Hoop oo shir jaraa'id ku qabtay dalka Hungary.

Sidoo kale, wuxuu sheegay inay ilaalo ka qabanayaan biyaha hareeraha ka xiga Somalia si loo joojiyo ama looga hortago falalka burcadbadeednimo ee lagu afduubo maraakiibta.

"Dhawaana waxaa xeebaha Somalia tagaya maraakiibta dagaal ee NATO, waxanaa rajeynayna inay ka hortagaan burcada iyo inay galbiyaan maraakiibta wada shixnadaha gargaarka, waxayna ila tahay inay tani war wanaagsan u tahay Somalida, war xuna u tahay burcadbadeeda" ayuu mar kale yiri Jaap de Hoop.

Talabadan ay NATO qaaday ayaa waxay xoojin u tahay go'aan ay qaateen EU-da kaasoo ah inay ilaalo xoogan ka qabanayaan biyaha ka baxsan Somalia, si ay uga horagaan burcabadeednimada.

Ruushka ayaa isaguna go'aankaas ku raacay midowga Yurub, wuxuuna xusay inuu maraakiib dagaal oo la dagaalama burcadbadeeda u dirayo Somalia; iyadoo dunidu ay ku baaqday in gacan bir ah lagu qabto burcadbadeeda Somalida ah oo lacago badan ka qaata Maraakiibta ay qabsadaan.
 
Garowe Online, Muqdisho


http://www.garoweonline.com