Nabadona Bari oo taageerey Xisbiyada 9 Dec 9, 2012 - 3:59:02 AM
GAROWE ONLINE
Nabadoonadda gobolka Bari ayaa si wayn usoo dhoweeyay hanananka Axsaabta badan ee Puntland ay doonayso in ay u guurto ka dib kulan ay maanta 09 December ,2012 ku yeesheen magaalada Bosaso e xarunta gobolka Bari.
Yuusuf Faarax Cali oo ka mid ah hogaamiye dhaqameedka gobolka Bari oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in Puntland ay hormar sal balaaran ku talaabsatay,maadaama buu yiri ay Puntland cagta saartay wadada Dimuqraadiyadda.
‘’….Nidaam ayaan soo marnay lagu soo xului jiray Baarlamaanka,taas oo aan loo fiirin jirin karti iyo aqoon,waxaan u gudubnay Axsaab,taas oo keenaysa in la dooto cidii bulshadda wax u qabanaysa’’Ayuu yiri.
Mar uu ka hadlayay aragtida nabadoonadda cida mucaarad noqon karta ayaa wuxuu sheegay in Mucaarad ay noqon karaan cid kasta oo ka shaqaynaysa danta umadda,laakiin uusan Mucaarad noqon Karin qofkii hannaan beelaysan wax ku doonaya.
Nabadoon Abshir Dhegcad oo ka mid ahaa Nabadoonaddii kulanka ka hadlay ayaa sheegay in loo bahaan yahay in dadweynuhu ay ka shaqeeyaan amaanka iyo xasiloonidda ka jirta deegaanadda Puntland.
‘’…..Dadka reer Puntland waa in ay ka shaqeeyaan nabadda,waayo nabad ayaan hadkaas kusoo gaarnay’’Sidaa waxa yiri Nabadoon Dhegcad.
Qaar ka mid ah hogaamiye dhaqameedkii kasoo qayb galay kulanka oo ka hadlay madasha ayaa cod dheer ku sheegay in ay soo dhowaynayaan hannaanka ay Puntland u guurtay ee Xisbiyadda,arrintaasi oo ay sheegeen in ay horseed u tahay Dimiyraadiyad bisil oo ay doonayso in ay Puntland gaarto.
Si kastaba ha ahaatee kulanka nabadoonadda ayaa imanaya xilli Puntland ay cagta saartay wadada Dimuqraadiyadda islamarkaasina xisbiyo looga dhawaaqey Bossaso dhowaan halka kuwo kalena la filayo inay ku soo biiraan inta ka dhiman December.