Nin Al-shabaab ka soo goostey 22 Mar 22, 2012 - 8:00:27 AM
GAROWE ONLINE
Magaalada Bossaso xarunta ganacsiga Puntland ayaa maanta 22,March 2012 waxa wasaarada amniga Puntland ku soo bandhigtey nin ka soo goostey kooxda argagixisada ah ee ka dagaalanta buuraldeyda Galgala kaasi oo lagu magacaabo Cabdirashiid Xasan Maxamed.
Wasiir ku xigeenka Amniga Puntland Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed ayaa saxaafada shir ugu qabtey Bossaso uu uga waramayey ninkan oo sida uu garwaaqsadey inuu wado khaldan saaranyahay islamarkaasin dowaladda isku soo dhiibey kana toobad keeney falalkii uu horey ugu jirey.
Axmed Cawil Jaamac oo ka tirsan Idaacada Radio Garowe ayaa khadka taleefanka ku waraystey Cabdirashiid oo ku sugan Bossaso ,waxana uu ka xog waramayaa dhinacyo badan.
Waxa uu ugu horeyn tilmaamey in uu ka tirsanaa kooxda Galgala oo sanad u qaabilsanaa saadka ,sababta uu uga soo baxayna waxa uu ku sheegey inaysan islahayn afka iyo uurka kooxda Galgala ka dagaalanta.
Dhanka kale waxa nooga warbixiyey qaabka ninkani dowladda isugu soo dhiibey iyo sida uu uga soo baxay kooxda argagixisada ah wasiir ku xigeenka Amniga Puntland Cabdi Jamaal Cismaan.
Halkan ka dhageyso waraysiyada xiisaha badan ee Axmed Cawil qaadey