Home
  Africa
  World
  Islam
  Health

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Sep 3, 2008 - 10:44:01 AM
Wararka
Nin masjid ka soo baxay oo la diley


Kooxo hubeysan oo aan la garanayn ayaa xalay ku dilay gudaha Degmada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay sarkaal ka tirsan ciidamada DF, kaasoo kasoo baxay Masjid kuna sii jeeday gurigiisa.

Sarkaalka la dilay oo aysan noo suuragelin inaan magaciisa helno ayaa waxaa dilay sida ay sheegeen goobjoogayaal ku sugan halka lagu toogtay saddex dhallinyaro ah oo ku hubeysan bastoolado; kuwaas oo baxsaday markii ay dileen sarkaalka.

Mid ka mid ah dadka degmada Baydhabo oo sharraxayay sida uu dilkaas u dhacay ayaa sheegay in sarkaalka uu kasoo baxay Masjid uu kusoo tukaday salaadda cishaha, markaasna uu damacsanaa inuu gurigiisa aado, balse ay kooxaha hubeysan kaga dabatageen suuqa oo ay ku toogteen.

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda ayaa waxay isku gadaameen goobta uu falkaas ka dhacay qaddar daqiiqado ah kaddib, iyagoo sameeyay baaritaanno balse aan cidna ku qaban dilka sarkaalka, ugu dambeynna waxay goobta ka qaadeen maydkii sarkaalka la toogtay.

Maamulka Degmada Baydhabo iyo kan gobolka oo wax laga weydiiyay dilka xalay ka dhacay gudaha Baydhabo ayaa waxay ka gaabsadeen inay warbixin ka bixiyaan, iyagoo ku tilmaamay inuu yahay mid ay ka dambeeyaan xoogagga ka horjeeda DF.

Dilkaan ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhawaan uu gudoomiyaha Gobolka Bay C/fitaax Maxamed Ibrahim [Geeseey] uu ka sheegay Baydhabo inay ka shaqeynayan amaanka guud ee Gobolka Bay, gaar ahaan kan Degmada Baydhabo oo xarun u ah Barlmaanka DF.

Labadii casho ee ugu dambeysay ayay kooxda Al-shabaab oo dagaal kala horjeeda dowlada Somalia waxay la wareegeen laba degmo oo ka tirsan Gobolkaas kuwaasoo kala ah Diinsoor iyo Qansaxdheere.

Garowe Online, Muqdisho
RELATED:
Amensty oo ka hadashay afduubyada
Sh. Shariif oo la kulmey saraakiisha USA
La-haystayaal lala xiriiriyay qoyskooda

Advertisement
 

Somalia - A Country in Peril

EDITORS PICK:

Somalia's Islamists appoint Kismayo administration
KISMAYO, Somalia Sep 6 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us