''Ninkii raba inuu is-muujiyo ha galo.....'' 3 Jan 3, 2013 - 1:45:29 AM
GAROWE ONLINE
Afhayeebkii hore ee dawladda Soomaaliya Xuseen Maxamuud Xuubsireed ayaa sheegay in cidna aan laga ogolaanayn inay Puntland khalkhal geliso,amaba ay fawdo abuurto.
Xuubsireed oo la hadlay maanta 03 January,2012 Idaacada Radio Garowe ayaa muujiyey rayigiisa maadaama uu siyaasasiyiinta ka midyahay gobolka oo uu sheegey inaysan cidna ka yeelayn inay qas iyo fowdo dalka galiso.
Raga u hanqaltaagaya inay hogaanka Puntland qabtaan ayuu ugu baaqey Afhayeenkii hore inay ka qaybgalaan geedi socodka dimoqraadiyada Puntland oo ka mid noqdaa ururada iyo axsaabta dalka ka jira.
‘’Waxaan kula talinayaa ninkii doonaya inuu is muujiyo ha galo axsaabta oo ha ka mid noqd’’ayuu yiri.
Puntland haatan waxa uu ku sheegey mid horumar dhinac weliba ah ku talaabsatey ,waxana uu soo dhoweeyey hanaanka cusub ee looga gudbayo habkii wax ku qaybsiga Qabiilka.
Halkan ka dhagayso waraysiga Xuubsireed siiyey Radio Garoowe