Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Apr 3, 2012 - 2:47:55 AM
Wararka
Nugaal & Karkaar oo gudbey


Garoonka kubadda caga magaalada Garowe ee Mire Awaare ayaa waxa ka socda tartanka 6-aad ee gobollada Puntland,waxana maanta 6,Feb ,2012 kulamo aad u xiiso badani ku dhexmareen gobollada Karkaar & Bari iyo Nugaal & Haylan.

Karkaar iyo Bari ayaa ahayd ciyaartii horeysey islamarkaasina aadka loogu dhegtaagayey natiijadeeda maadaama labada kooxood kii badiyaa u gudbayo wareega xiga ee Semi-Finalka halka Karkaar bar-bardhaca u sii dheeryahay rajadooda.

Qaybtii hore ee kulanka ayaa waxa labada kooxood waxay soo bandhigeen ciyaar wanaag ,weearo la isweydaarsanayey iyo weliba farsamooyin u gaar ah kubadda cagta,waxana gobolka Karkaar keensatay gool bartamihii qaybta hore ee ciyaarta.

Kadib markii la isku soo laabtey taagerayaasha Barina sugayeen in kooxdoodu dhashato goolal u gudbiya wareega xiga,ayaa waxa arintaasi ka soo horjeestey difaaca Karkaar oo marnaba diidey in riyada Bari xaqiiqo noqoto.

Guusha waxay raacdey galabta Karkaar oo 6 dhibcood tagtay ,halka Bossaso iyo Bari ciyaartoydii ka socotey isku diyaaranayaan inay dib u laabtan iyagoona noqdey kooxdii ugu horeysey ee macsalaamaysa koobka gobollada Puntland.

Dhinaca kale gobolka Nugaal iyo Haylan ayaa isku arkey ciyaartii danbe galabta ,waxana horey u soo baxay gobolka Nugaal oo 6 dhibcood watey ,isagoona galabta macalinka Nugaal uu kaydka gashtey 7 ka mid ah ciyaartoydii joogtada u ahayd kooxdiisa badalkoodana keenay laacibiinta kaydka.

Durbadii daqiiqadii 2-aad ayaa Nugaal waxa laga dhaliyey gool aan waxbadan farxadiisu sii socon ,waxana Nugaali badalkiisa keensatay laba gool qyabtii hore ee ciyaarta.

Isku soo laabadkii danbe ee kulanka ayaa waxa weerarka Nugaali sii wadey dhalinta goolasha oo galabta sidii roobkii ugu hoobtey shabaga Haylan waxana natiijada ka dhigeen Nugaal 4-1 Haylan ka hor inta Haylan labaysan laguna gabagabeen natiijadaasi kulanka.

Gruop-ka koowaad ayaa waxa si rasmi ah ugu soo baxay gobollada Nugaal oo kow noqotey iyo Karkaar oo gashey labo,iyadoona dhinaca kale hareen gobollada Bari iyo Haylan.

Maalinka bari ah ayaa la filayaa in ay sidaasi oo kale dhacaan kulamada kama danbeyska ah ee Group-ka B oo balansanyihiin Mudug & Cayn iyo Sanaag & Sool,waxana banaanka joogta oo soo baxdey gobolka Mudug.

GAROWE ONLINE
RELATED:
Odeyasha oo laga baajiyey Turkiga
Dagaal culus oo Dayniile ka dhacay
WFP oo xayiraad lagu soo rogay

Advertisement
 

Somalia: Why rush such an important constitution?[Editorial]

EDITORS PICK:

Somalia leaders meet at African Union headquarters for constitution, elections process
ADDIS ABABA, Ethiopia May 21, 2012 (Garowe Online)

Statement of the President of Puntland State of Somalia H.E. Abdirahman Mohamed Mohamud (Farole) at Meeting of Somali Principals

Somalia: Amb. Mahiga warns Somali politicians to stop meddling with selection process

Somalia: Ethiopia military to increase onslaught against Al Shabaab

This week in Somalia

Somalia: Amb. Mahiga calls for ‘transparent’ inquiry to Hargeisa land dispute

Somalia: Roadmap signatories will meet to discuss progress

Somalia: SRSG Statement on Hargeisa Incident

Plenty rain in Somalia

Somalia: Multiple explosions in Mogadishu kill 8

Somalia: Ethiopia commander in Somalia says 'not a problem to liberate Kismayo'

Somalia: Kenya police loot businesses in Dadaab after explosion

Somalia: Statement by the President of Puntland State of Somalia H.E. Abdirahman Mohamed Mohamud (Farole) Presented at Indian Council on World Affairs

Somalia: MSF to restructure health support in Galgaduud due to deteriorating security

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us