PL oo diidey guddi lagu doortey Muqdisho 13 Jan 13, 2013 - 4:12:00 AM
GAROWE ONLINE
Wasiirka Shaqada ,shaqaalaha ,dhalinyarada iyo Cayaaraha Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdule Indhoguran ayaa ku tilmaamay nasiib darro doorasho dhowaan lagu qabtey Muqdisho oo guddiga Ololbikada Soomaliyeed isku kooben xubno ka soo jeeda hal gobol.
Shir saxaafadeed uu ku qabtey Galkacayo wasiirku ayuu kaga hadlay arintan oo ku eedeeyey in xubnaha doorashada ku qabtey Muqdisho ay gobolka Banaadir ku koobeen kuraastii Soomali u dhameyd.
‘’Waxa nasiib darro ah inay magacabeen guddi hal gobol ka soo jeeda,waxaana u aqoonsaneynaa guddiga olombikada gobolka Banaadir’’ Ayuu yiri wasiirku.
Puntland oo horseed u ah federaalka Somalia ayuu sheegey in arintani waafaqsaneyn sharciga cayaaraha iyo kan federaalkaba in lagu koobo Muqdisho wax umada u dhaxeeya.
Tan iyo burburkii Somalia waxa Muqdisho isku koobey hal beel ,waxana caqabad ku noqoneysa hirgelida dowladda Somalia hadii aan wax laga badalin qorshaha ay ku socoto ,iyadoo dhamaan waaxyaha wasaaradaha ,magacaabista Danjirayaasha iyo saraakiisha kala duwan ee dowladda mareen wadada guddigan Indhoguran ka biyo diidey.
Halkan ka dhageyso Codka Wasiirka Cayaaraha iyo Dhalinyarada Puntland