Qoraal dheer lagu daabacay Bogga ku hadla afka xukuumada Puntland kaas oo ku tariikhaysan [March 22,2008] ayaa waxaa Madaxweynaha DGPL Cadde Muse waxaa uu ku soo saarey warbixn loogu magac darey
Tubraaca Siyaasada Dowlada Puntland.
Qoraalkan oo ka koobnaa dhowr qodob ayaa waxyaalaha xusida mudan waxaa ka mid ahaa:
Cadde Muse oo yiri "Inta laga helayo Dastuur Federaal ah oo loo dhan yahay iyo dhismaha dawlad goboleedyo ku qanacsan qaybsiga
awoodaha iyo
khayraadka, taageerada Dawladda Puntland u hayso DFKMG ah sina looguma qaadan karo in ay Puntland ka mid tahay DFKMG ah - Puntland waa u madax bannaan tahay
shurucdeeda,
siyaasaddeeda iyo
daneheeda."
Warbixintaan qoraalka Cadde Muse soo saarey maanta ayaa soo baxdey maalmo kadib markii Barlamanka Puntland isku mari waayey ansaxinta xeerka shidaalka MGPL balse xukumadu sheegtay in uu ansaxey kadib markii Gudoomiyaha aqalka Wakilada si sharci daro ah codkiisa dheeriga ugu biirey xildhibaanadii u codeeyay xeerkaan.
AKHRI: [Xeer Hosaadka Barlamanka]
Dhinaca kale qoraalka loogu magac darey Tubraaca Siyaasada Dowlada Puntland ayaa ku soo beegmay warsaxafadeed Wasiirka Wasarada Macdanta iyo Tamarta ka soo saarey xeerka shidaalka Puntland iyo heshiisyada xukuumada Cadde si madax banaan ula gashay shirkado shisheeye.
Wasiirka Macdanta DFKMG ah Eng. Maxamud Cali Saalax (Kaanje) oo diidey xeerkan iyo heshiis yadaan ayaa yiri: "Waa arrin aan la ogolaan karin in Dawlad Goboleedka Puntland oo ah laf-dhabarta
Xukuumadda Federaalka KMG ee Soomaaliya ay si bareer ah ugu tacadido xeerka u
yaal XFKMG ee Soomaaliya, kaas oo si cad u qeexaya
awoodda ay kala
leeyihiin Xukuumadda FKMG iyo Dawlad goboleedyada.
Awoodahaas oo sheegaya
in
khayraadka
awoodda
siyaasad iyo
sharci lagu maamulo si looga faa'iideeyo dhammaan shacabka Soomaaliya."
AKHRI:[Warsaxafadedkan]
Qoraalka Madaxweyne Cadde Muse soo saarey ayaa kor u qaadaya shakika shacabka Puntland ka qabey in xukuumadu qorsheynayso gooni isu taag dabada ay ka riixayaan shirkadaha la sheegey in khayraad ay ka baarayaan gobolka kuwaas hesiis la soo galey Gen.Muse.
Warbixnta Madaxweynaha ayaa waxaan lagaga hadlin siyaasada xukuumadiisa oo ku wajahan dhaqaalaha, Cafimaadka, Waxbarashada iyo Hurumarinta Arrimaha Bulshada kuwaas oo xukumadiisau ka gaabisay intii ay xilka haysay.
Qoraalka Cadde Muse kaga hadlay Tubraaca Siyaasada Dowlada Puntland ayaa u qoraa sidatan:
Garowe, Puntland: Nuxurka siyaasadeed ee Dawladda Puntland (DP) wuxuu u
taagan yahay saddex arrimood oo lagama maarmaan ah:
Tan kowaad, in degaanka Puntland ka badbaado colaadaha sokeeye oo ka dhasha
maamul la’aanta iyo is-herdiga kooxo siyaasadeed oo u kala adeegaya dana
gurracan;
Tan labaad, in ay wax ka baadi-goobto dib-u-yagleelidda dawlad dhexe oo
Soomaaliyeed oo ku salaysan hannaan federaal ah, kaasoo ah habka keliya oo
lagaga sabata-bixi karo awood meel keliya ku urursan iyo kala-googo’ iyo
Tan saddexaad, in ay beesha caalamka la kaashato xal-u-helidda mushkiladda
Soomaaliya guud ahaan iyo dib-u-dhiska iyo horumarinta degaanka Puntland gaar
ahaan.
Qaybaha soo socda ee murtida qoraalkanu waxay shaaca ka qaadayaan tub-raaca
Dawladda Puntland ee ku kala aaddan xaaladda gudaha Puntland, siyaasadda heerka
qaran iyo sida beesha caalamku gacan uga geysan karto labadaas arrimood.
Puntland
Tan iyo markii ay burburtay dawladdii dhexe ee Soomaaliya 1991kii ilaa
bartamihii sannadkii 2006, waxaa Puntland ka jirey nabad, xasilooni iyo horumar
dhaqaale marka dalka intiisa kale loo eego. Waxaa ayaandarra ah in waayahaan
dambe ay Puntland soo food-saareen qalalaase kaga yimid koonfurta iyo gobollada
woqooyi galbeed Soomaaliya. Dhinaca koonfurta, xoogaggii Maxkamadaha Islaamiga
ku magacawnaa iyo xag-jiriinta Al-Shabaab baa waxa ay u soo kaba-gashadeen
duullaan xukun-doon ah iyo falal argagixiso oo ay la soo beegsadeen Puntland
iyagoo si gurracan ugu been-abuuranaya diinta Islaamka ee muqaddaska ah. Waxaa
dhulka Puntland marin ka dhigta dhallinyaro badan oo ka yimaada Muqdisho iyo
koonfurta Soomaaliya oo u gudba woqooyi galbeed, dabadeedna ku soo laabta
Puntland oo gabood-fal ka geysta. Dhinaca woqooyi galbeed, waxaa weerarro
hubaysan oo is-daba-joog ah Puntland ku soo qaaday Maamulka Hargeysa oo 15kii
Oktoobbar sannadkii hore ku qabsaday magaala-madaxda gobolka Sool ee Laas
Caanood una sii tafa-xaydanaya dhul-ballaarsi kale.
Labadaas arrimood waxa ay kala dhantaaleen dadaalkii Puntland ugu jirtey
hirgelinta barnaamijka maamul-wanaagga iyo dhaqaalihii awalba koobnaa ee
jirey.
Iyadoo ay jiraan dhibaatooyin baahsan oo kulligood u baahan wax ka qabasho,
waqtigan la joogo Dawladda Puntland waxay halkan ka caddayneysaa in ay dardar
gelineyso fulinta waajibaadyada dastuuriga ah una kala hor-marineyso sida ay
mudaanta u kala leeyihiin:
1. Soo-celinta gacan-ku-haynta magaala-madaxda gobolka Sool ee Laas Caanood
iyo kafaala-qaadidda difaaca dhammaan xuduudaha Puntland;
2. Adkaynta ammaanka gudaha;
3. Sii-ambaqaadidda hirgelinta maamul-wanaagga iyo
4. Dhammaystirka geeddi-socodka dimoqoraaddiyadda Puntland.
Taliska Daraawiishta Puntland oo dib-u-habayn lagu sameeyey wuxuu ku hawllan
yahay tayaynta iyo dhismaha ciidan hanan kara difaaca dalka. Dawladda Puntland
waxay wasaarad cusub u aasaastay arrimaha Amniga Gudaha taas oo u xil-saaran
ka-hortegidda fal-dembiyeedyada iyo gacan-ku-dhigidda dembi-falayaasha. Waxa
xukuumaddu u hurtay amniga gudaha
5% miisaaniyad ka baxsan saamigii ay
hey’adaha ammaanka guduhu ku lahaayeen miisaaniyadda caadiga ah. Dawladda
Puntland waxay kaloo fiira gaar ah u yeelaneysaa xoojinta Garsoorka iyo Ciidanka
Asluubta oo lama huraan u ah u-hoggaansanaanta sharciga iyo helitaanka
caddaaladda.
Dhinaca maamul-wanaagga, waxaa xusid mudan aasaasidda Guddiga Shaqaalaha
Rayadka ah ee Dawladda (Civil Service Commission) oo ay hey’adda UNDP gacan ka
siineyso sidii shaqaalayntu u noqon lahayd mid ku timaadda baahida dhabta ah ee
maamulka iyo mutaysi, si wax-soo-saarku u kordho, taas oo xukuumaddu u aragto
tallaabo weyn oo hore loo qaaday. Wasaaradaha Maaliyadda iyo Qorshaynta iyo
Xiriirka Caalamiga ah oo dhinac ah iyo Bangiga Adduunka iyo UNDP oo dhinac ah
waxay in mudda ah wadeen qiimayn la xiriirta baahida hagaajinta maamulka
arrimaha Maaliyadda iyo Lacagta, waxaana ka dhashay hindisayaal cusub oo si
dhaqso ah fulintoodu u bilaaban doonto, kuwaasoo la xiriira dhidbidda
hab-maaliyadeed casri ah oo ku abbaaran toosinta iyo casriyaynta ururinta
cashuuraha, kobcinta dakhliga, beekhaaminta kharajka, maaraynta miisaaniyadda,
kontroolka lacagta iyo hanti-dhawrka.
Dib-u-eegista dastuurka Puntland waxay mareysaa heer gabagaba ah, waxaana
Puntland, Xukuumad iyo Baarlamaanba, ka go’an in bartamaha sannadkan loo
bandhigo afti dadweyne si loogu gogol-xaaro curashada xisbiyo siyaasadeed iyo
qabashada doorashooyin xor ah.
Siyaasadda Heer Qaran
Tan iyo intii ka damabaysey dhismihii Dawladda Puntland
1dii bishii Agost
1998kii iyo 8dii sano oo ka horreeyeyba, Puntland waxay u heellanayd kana
qayb-qaadaneysey dib-u-heshiin dhexmarta dadka Soomaalida iyo soo-celinta dawlad
Soomaaliyeed. Waxaa laga wada dheregsan yahay kaalintii firfircoonayd ee ay
Puntland ka gashay Shirweynihii Dib-u-heshiisiinta oo ku dhammaday dhismaha
Dawladda Federaalka Ku-Meel Gaarka ah (DFKMG). Sidoo kale, Puntland waxay
taabba-gelinta dawladda u hurtay dhaqaale iyo cudud.
DFKMG ah isla markii ay hanatay xafiiskaba waxaa la kowsadey kala-qaybsanaan
hey’adihii dawladda iyo is-qabad dhex-galay mas’uuliyiintii xilalka ugu sarreeya
hayey. Waxaa iyana jirey diidmo kaga timid xoogag ka soo horjeeda mabda’a lagu
soo dhisay dawladda.
Is-biirsiga arrimahaasu wuxuu DFKMG ah geyaysiiyey in ay gudan kari weydo
xilalka muddada ku-meel gaarka ah sida sugidda nabadda iyo xasilloonida,
dib-u-heshiisiin, diyaarinta dastuur federaal ah iyo hirgelinta hannaan federaal
ah. Inkastoo ay intaasu jirto, muddadii xukuumadda FKMG ahna in yari ka harsan
tahay, dawladda dhowaan la dhisay iyo baaqii wadahadalka ee ay bixisay waxa ay
leeyihiin yididiila cusub.
Dawladda Puntland waxa ay diyaar u tahay, siina wadi doontaa, taageeridda
Dawladda Federaalka Ku-Meel Gaarka ah, waxana ay beesha caalamka weydiisaneysaa
in ay si weyn ugu hagar baxaan si ay u gudato waajibaadka xilliga ku-meel gaarka
ah inta ay ka gaadho.
Dawladda Puntland oo mar kale ku celineysa in dib-u-yagleelidda dawladnimada
Soomaaliya ay tahay waajib waddani ah oo aan ka-daalis mudnayn, waxay goosatay
in ay faahfaahin dheeraad ah sida soo socota uga bixiso siyaasadda qaran ee ay
higsaneyso:
(1) Puntland waxaan sina loo soo marin doonin hannaan dawladeed oo taladu ku
urursan tahay dawlad dhexe, gobollada iyo degmooyinkuna yihiin kuwa jideeya
awoodaha dawladdaas oo keliya - hab dawladeedka qaabkaas ahi wuxuu dadweynaha
baday in ay ka takoornaadaan talada dalka, aakhirkiina wuxuu horseeday burbur
dawladeed;
(2) Puntland ma aqoonsana mana aqoonsan doonto in baadi-goobka xal dawlad
dhexe oo Soomaaliya yeelato loo maro afkaarihii gumeysigii reer Yurub ku
qaybsadeen dalka Soomaaliya taas oo ay beddeshey midowgii iyo dhalashadii
Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo dastuurkii Jamhuuriyaddaas oo ummadda Soomaaliyeed
ku ansixisay afti dadweyne
1961kii iyo
(3) Inta laga helayo dastuur federaal ah oo loo dhan yahay iyo dhismaha
dawlad goboleedyo ku qanacsan qaybsiga awoodaha iyo
khayraadka,
taageerada Dawladda Puntland u hayso DFKMG ah sina looguma qaadan karo in ay
Puntland ka mid tahay DFKMG ah - Puntland waa u madax bannaan tahay
shuruucdeeda, siyaasaddeeda iyo daneheeda.
Beesha Caalamka
Dawladda Puntland waxay mahadnaq ballaaran u celineysaa beesha caalamka oo
hawlohoodu qayb libaax ka cayaaraan daryeelka iyo gargaarka dadka tabaalaysan
iyo kuwa bara-kacay ee gudaha iyo kuwa ka yimaada gobollada kale ee Soomaaliya
iyo dalalka deriska ah, arrimaha bulshada gaar ahaan caafimaadka, waxbarashada
iyo biyaha iyo qaybo kala geddisan oo baahiyi ka jirtey. Taageerada
deeq-bixiyayaasha, hey’adaha Qaramada Midoobey iyo kuwa caalamiga ah la’aantood
Puntland ma awooddeen in ay meelo badan iska daboosho.
Waxaan shaki ku jirin in ay beesha caalamku isku taxalujisay Somalida
heshiisiinteda, kaalmaynteeda iyo sidii ay dawladnimadoodu cagaha isugu taagi
lahayd. Abaal weyn ayey dadka iyo dawladda Puntland ugu hayaan beesha caalamka
dadaalkaas, waxana ay ku sii adkayneysaa in ay qiimayntooda ku xoojiyaan
qodobbada soo socda:
1. In ay ku baraarugto inta ay le’eg tahay baaxadda mixnadda ka taagan
Soomaaliya iyo cawaaqib-xumada ay ku yeelan karto Geeska Afrika, lana timaaddo
hal-abuur iyo ajende muddada kala-guurka loogu gudbi karo hab federal ah oo
dimoqoraaddi ah oo wax kala haga;
2. In ay sii wadaan habka saddex-qayboodka ah oo ay iskaashiga iyo taageerada
ula wadeen qaybaha Soomaaliya ka kooban tahay oo ah Puntland, Somaliland iyo
South-Central/TFG.
3. In ay mowqif midaysan ku wajahdo xaaladda Soomaaliya;
4. In ay ka fuliso Soomaaliya casharadii waxtarka yeeshay ee laga bartay
dalalka soo maray dhibaatooyin la mid ah kuwa Soomaaliya, iyagoo tixgelinaya
talooyinka waxgaradka Soomaalida ay ka dhab tahay xal-u-helidda Soomaaliya
iyo
5. In ay Puntland diyaar u tahay soona dhowayneyso maal-gashi caalami ah
dhinacyada kala duwan ee
khayraadka badda, berriga iyo hawada.
Ugu dambayntii, Puntland, dawlad iyo dadweyneba, waxa ay ka digeysaa in laga
feejignaato taageeridda damaaciga dhinac ka mid ah dhinacyada Soomaaliya, taas
oo 17kii sano oo la soo dhaafay ahayd caqabadda ku gudban xal-u-helidda
dhibaatada Soomaaliya.
Maxamuud Muuse Xirsi
Madaxweynaha Dawlada Puntland ee Somaliya