|
|
|
|
| Last Updated: Oct 8, 2008 - 8:33:12 AM |
|
|
|
 |
 |
|
|
|
PL waxaa ay u bahan tahay badbado
27 Jun 27, 2008 - 8:48:23 AM
|
Waa xaqiiqo aan cidina ka qarsooneyn in xakuumada Puntland ka weecatey
kuna guuldaraystey waajibaadkeeddii iyo barnaamijkeedii waxqabad ee ku
aadanaa dhinacyada siyaasadda dhaqaalaha, Amniga iyo Sharciga kuwaas oo
ay u horeeyaan Sugida Amniga,Tayeynta arimaha Bulshada, Tayeynta ciidanka, iyo baaris cilmiyeysan oo lagu sameeyo khayraadka dabiiciga ah.
Waxaa kale oo ay ku guuldareysatey qodobadan in ay wax ka qabato:
-
ilaalinta iyo diiwaan galinta Hantida Ummada
-
Qorshe u dajinta dadka qaxootiga ah ee Barakacey iyo Dhaqan celinta Maleeshiyaadka iyo hub ka dhigista
-
Tiro koobka dadweynaha Puntlad
-
Diyaarinta xeerarka Xisbiyada Siyaasadadeed
-
Afti u qaadista Dastuurka
-
Sameynta iyo diyaarinta Himilo Siyaasadeed
Qodobadaas oo dhamaantood ah waajib Dastuuri ah iyo kuwo kale oo laga dhowrayey xukuumadda ayaan waxba ka hirgelin, waxaana kor u
kacay heerkii ugu sareeyayna gaaray tan iyo 1998 (Dhismaha
Puntland) masuq maasuqa, amaan xumida, kala danbeyn la'aanta, dhowrista
sharciga iyo fowdada oo ku sii badaneysa bulshada dhexdeeda.
Si arimahan aan kor ku soo sheegno loogu gudbo waxna looga qabto
waxaa loo baahan yahay in la helo xukuumad tayo leh oo daacad u ah
shacabkeda, korna u qaata tacliinta, dhaqaalaha, cilmiga farsamada iyo
sancada, taaso shacabka Puntland aynan marna nasiib u helin, kuna imaan
karta hirgelinta hannaan dowladeed oo dhameystirin saldhigna u yahay Dastuur afti dadweyne lagu ansixiyay iyo tartan
doorasho ku dhaca, si
looga digtoonaado qaladaadkii hore iyo kuwa haatan jooga ee ragaadiyay
horumarkii, wadajirkii iyo midnimadii shacabka Puntland.
Dhinaca Amaanka
Waajibaadka koowaad ee dowlad shacabkeedu ka sugo waa in ay hanato
amaanka gudaha iyo xuduudaha, Cir, Bad iyo dhul, hadii maamulkaasi sugi
waayo amaanka waxaa xaaraan noqonaya in la yiraagdo waa jiraa, sidaasi waxaa
yiri Madaxweynaha MGPL Cadde Muse mar uu ka hadlayey
barnamijkiisa wax qabad ee lagu doortay, wuxuuna balan adag ku qaaday
in ciidanka Puntland inta Dowladda Federaalka la wareegtay mooyee inta
kale uu ka dhigayo ciidan tayo leh.
Iyadoo tiro dhowr jeer ah Barlamanka Puntland u soo jeediyay
Madaxweynaha Puntland iyo xukuumaddiisa sidii ciidanka loo tayeen lahaa
loona tirakoobi lahaa, iyadoo taas badalkeeda ay xaq u leeyihiin iney
helaan xaquuqdooda askarnimo, hase yeeshee waxaa nasiib xumo ah in
xukumadda Puntland aynan wax ahmiyad siin arintasi taasina waxay
suragal ka dhigtay in amaanka Puntland si weyn hoos ugu dhaco farahana
ka baxo sida muuqata.
Waxaa caadi noqotay dilalka isdaba jooga ee ku dhisan aanada, dhaca iyo
boobka hantidada shacabka iyo tan dadweyne, afduubka shaqalaha hey'adaha
samafalka iyo dhaqaalahooda, ugu danbeyna hakad geliyay dhamaan
howlihii ay UN-ka ka wadeen Puntland.
Abuuritaanka kooxaha burcad badeeda ah ee ku howlan xeebaha Puntland
iyo kooxaha adeegsada waxyaabaha qarxa oo aan horay looga aqoon
Puntland.
Dhinaca xuduudaha waxaa maamulka Riyaale weeraro isdaba joog ah ku soo
qaaday degaanada Puntland bilihii Apriil iyo Oktobar 2007, taasoo ugu
danbeyn gacanta u gilisay caasimada gobolka Sool ee Laascaanood.
Hadaba su'aasha la isweydiin kara waxay tahay sababta Puntland oo leh
ciidan isugu jira Asluub, Boolis, Daraawiish, Mariinis oo Taliyaha guud
ee ciidamada uu yahay Madaxweynaha Puntland Cadde Muuse Xersi,
waxay weli ugu maqan tahay caasimada Gobolka Sool ee Laascaanood.
Dhaqaalaha
Madaxweynaha Puntland Cadde Muuse Xersi waxaa uu sheegay in
mudadii uu xilka hayey uu si weyn ugu dadaalay horumarinta dhaqaalaha
Puntland taasoo dib u dhac ku keentay amniga, uuna doonayo hadda kadib
in uu u soo jeesto dhanka amniga hase yeeshee ma sharaxin
sidii uu dhaqaalaha ku hor mariyay, waxyaabihii uu ku qabtay iyo weliba
guusha laga gaaray midna.
Sida aan ogsoonahay nolosha dadka waxay ku xiran tahay hadba dhaqaaluhu
halka uu marayo, heerka maanta Puntland ku sugan yahay
waa mid ay hareereysay sicir barar ka dhashay sameynta lacagaha
faalsada ah, taasoo si aan waafaqsaneyn sharciga iyo Dastuurka Puntland
loo soo sameeyay laguna isticmaalay ogolaansho la'aanta golaha
Baarlamaanka, taasoo xaaraan ka dhigeysa isticmalkeeda kana soo
horjeeda qodobka 46-18 ee dastuurka DGPL.
Lacagtaas oo keentay in Shillinga Soomaaliya hoos u dhaco, korna u
qaaday qiimaha maciishada, khalkhal weyna ka abuurtay dhamaan howlaha
ganacsiga, isla markaana si gaar ah u saameysay shacabka Puntland oo ku
badan dad danyar ah, waxaa kaloo qeyb ka ah sicir bararka iyo in
Shillinga Somaaliga hoos u dhaco dakhliga miisaniyada dowladda ka soo
xerooda oo aan lagu bixin mushaharkii iyo adeegii hey'addaha dowladda,lacagtaas oo lagu badalo badalkeeda
Dollar ama lagu bixiyo fadlan ay si gaar ah u isticmaalaan hoggaanka
sare ee maamul Goboledka Puntland, Sida ku cad miisaaniyadii 2005
----2008 kuwaasoo dhamaantood laga dheehan karo musaqmaasuq iyo
lunsasho sharci daro ah.
Waxaan Tusaale u soo qaadanayaa xisaab xirkii miisaaniyadii 2006 taasoo
golaha wakiiladu dib ugu celiyeen xukuumadda kadib markii ay cadaatay
ku takri fal lacageed oo ka badan 118, 000,000,000 (Boqol Sideed iyo
Toban Bilyan) oo Shillin Somali ah waxaa kaloo jira dakhli badan oo ka
soo xarooda Kalluumeysi iyo Macdan baarista oo aan miisaaniyada lagu
soo darin, kuna dhacda jeebab gaar ah.
Dhacdooyin iyo kuwo kale oo fara badan ayaa dhaawac weyn u geystay
dhaqaalaha Puntland waxaana nasiib daro iyo wax laga xumaado ah in
dhibaatadaas intaas la eg halka shacabka looga tacsiyeen lahaa
loogana mag dhawi lahaa lagu tilmamo horumar dhaqaale, laguna faano
waxaa kaloo xusid mudan in hadii dhaqaluhu kor u kaco amnigu uu kor u
kaco oo ay amniga wanaagsanaan lahaa.
Waxaan kaloo jira fadeexado soo if baxay mudooyinkii u danbeeyay oo ku
saabsan in Madaxweynaha, Ku xigeenkiisa iyo Wasiirkiisa Maaliyada midba
midka kale eedeeyo kuna tuhmay in uu sad bursaday taasoo welwel hor leh
iyo niyad jab ku aburtay shacabka Puntland, isla markana calaamad
su'aal hor leh saartay aayaha mustaqbalka shacabka Puntland.
Ku Dhaqmi la'aanta sharciga
Dastuurka Puntland ayaa kala qeexaya awoodaha Golahayaasha Dowladda oo kala ah:
1-Baarlamaanka
2-Xukuumadda
3-Garsoorka
Dhamaan awoodihii dowladda ayaan shaqeyn, waxana hor istaagay fulintii
ku dhaqanka iyo Dastuurka iyo qawaaniinta kale ee Puntland Madaxweyne
Cadde Muuse Xersi, marka laga reebo qodobka 54.20 oo leh Madaxweynuhu
wuxuu dalka ka maqnaan karaa 60 cisho oo kaliya, wuxuuna Mudanayaasha
Baarlamaanka ku handadaa kuna takooraa xorriyada fikirka iyo awooda ay
u leeyihiin ka doodista, wax ka sheegida iyo talo ku biirinta
siyasadda guud ee xukuumadda, sida uu qabo qodobka 46.6.
Wuxuu Madaxweynuhu Mudanayaal leh xasaanad ku dalbaday ilaaladiisa
gaarka ah iney qabtaan oo dibada u saaran kadib markii ay dhexmartay
dood adag oo ku saabsan dhowrida sharciga, taasoo sida uu qabo qodobka
49.2 ay xaaraan tahay Mudanaha in la baaro gurigiisa, jirkiisa lamana
qaban karo hadiisan fal dambiyed faraha kula jirin, taasoo muujineysa
kartida Madaxweynaha iyo dulqaadkiisa.
Ugu danbeyn waxaa shacabka Puntland sida Isimada, cuqaasha,
aqoonyahanka, ganacsatada, dhalinyarada, haweenka u soo jeedineynaaa
iney Puntland xiligan u baahan tahay badbaadin, loona soo jeesto sidii kor loogu qaadi lahaa hannanka Dowladeed, dhaqaale waxbarasho.
W/Qoray: Xildhibaan Muuse Warsame Cumar
Barlamanka DGPL
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|