''Cadow badan bey leedahay Puntland'' 14 Jan 14, 2013 - 10:54:56 AM
Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr.Cali Cabdulaahi Warsame oo dhowaanahan booqasho ku joogay magaalada Galkacayo ee xarunta gobolka Mudug ayaa ka hadlay safarkiisa iyo waxqabadka dhinaca caafimaadka ay wasaaradiisu ka fulisey deegaanada Puntland guud ahaan sanadkii tagay ee 2012.
Wasiirka oo wareysi siinayey warbaahinta Galkacayo ayaa ka hadlay nidaamka Axsaabta badan Puntland ee ay u gudubtey iyo sida ay dowlad iyo shacaba uga go’antahay hirgelintiisa iyo meel marsiintiisa si meesha looga saaro wax ku qaybsigii Qabiilka.
Dadweynaha gobolka Mudug ayuu uga mahadceshay sida wanaagsan ay uga shaqeyeen xoojinta nabadgelyada gobolka ,waxana uu ugu baaqey inay qayb ka noqdaan geedi socodka Dimoqraadiyada.
‘’Puntland Cadow badan ayay leedahay waxaanuna rajaynaynaa in cadowgaasi loo midoobo’’ Ayuu yiri Wasiirku.
Dr.Cali Cabdulaahi Warsame ayaa shakhsiyaad ku sugan gobolka uga digey khalkhalgelinta Amaanka iyo xasiloonida Mudug,waxana uu sheegey in hadii ay sii wadaan loo qadanayo inay Cadowga Puntland u shaqeynayaan kana soo horjeeda Horumarka iyo nabada laga gaarey Puntland.
Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa inta uu ku suganyahay Galkacayo booqasho ku tagi doona qaar ka mida Xarumaha Caafimaadka magaalada Galkacayo.