Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Mar 28, 2013 - 2:21:12 PM
Wararka
PL oo qaylo-dhaan ka dirtey Tahriibta

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole ayaa baaq u direy Beesha caalamka oo ku saabsan wax ka-qabashada dhalinyarada Soomaliyeed ee tahriibta ku leeda sanad weliba.

Dr.Farole oo wareysi siiyey Idaacada BBC-da ayaa ku dheeraadey dhibaatooyinka Tahriibta iyo khatarta ay ku jiraan dhalinyarada Soomaliyeed oo dalkooda ka baxaya islamarkaasina dibedda u raadsanaya nolol wanaagsan sida loogu sheekeeyey.

Waxa uu ka waramay Madaxweynaha Puntland dooni ay saarnaayeen 87 ruux oo Somali ah taasi oo ku dhex kharaabtey badda u dhaxeysa Libya iyo Talyaaniga kadibna la soo war geliyey xili danbe oo xiriir dhankooda la sameyeen ciidamada Badda labada dal suurogashey dhamaadki in Banqazi lagu soo celiyo tahriibayaashii.

Dr.Cabdiraxman Farole mar wax laga weydiiyey sababta dhalinyarada Somaliyeed xiligan tahriibineysa ayuu sheegey in hataan dalka xaaladiisu guud ahaan degantahay islamarkaasina qofka ku fekera tahriib uu yahay qof aan go’aan qaadan karin ama da’diisu yartahay oo laga dhaadhacsiiyey in dibadu nolo wacantahay.

Waxa uu direy fariin iyo qaylo dhaan ku saabsan in caalamka indhaha ku hayo khatarta murugsan ee wajahayaan dhalinyarada Soomaaliyeed.

‘Lama xisaabi karo dadka ku dhintey inta u dhaxeysa Sudan iyo Libya ,waxaa sameysmey kooxo isku xiran oo maafiyo oo ka shaqeeya Somalia ,Ethiopia ,Sudan iyo Libya ,waxaan ka soo jeedinayaa Qaylo-dhaan (Waa warey) ,Aduunkoo dhan inuu arintaas wax ka qabto ,madaxda Soomaliyeed iyo hayadaha caalamiga ah sida IOM,UNHCR iyo ICRC’’. Ayuu yiri Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole.

Tan iyo markii ay meesha ka baxdey dowladdi dhexe Somalia 1991 kumanaan Somali ah ayaa dalka dibadiisa u baxdey waxana kala kulmeen dhibaatooyin badan oo ugu horeyso badda gaar ahaan dalalka Yemen iyo Libya.

GAROWE ONLINE
RELATED:
Wafdiga IGAD oo la kulmey ergadii dooratay A.Madoobe
''Midnimada Somalia waa Muqadas''
AMISOM oo ka hadashay Kismaayo


Advertisement
 

Islam: Muslims and the challenge of creating change

EDITORS PICK:

Somalia: Jubaland leaders host IGAD committee in Kismayo meeting
KISMAYO, Somalia May 18, 2013 (Garowe Online)

Eastern Africa standby force to have operational capacity by 2015

Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded

Somalia: 5 killed in clash between govt forces and militants in Bakool region

Rob Ford crack scandal: Toronto mayor refuses to discuss specifics of video

Somalia: President Madobe nominates Gen. Fartaag as Jubaland vice president

Somalia: Aweys blames Al Shabaab chief for ‘targeting foreign fighters’

Somalia: Jubaland gains support, as federal gov’t rejects outcome

Somalia: Ahmed Madobe elected first president of Jubaland in landslide victory

Somalia: ‘92 MPs sign motion’ against Prime Minister Shirdon

Somalia: Kismayo admin detains ‘troublemakers from Mogadishu’

PM Shirdon launches New Deal for Somalia at Mogadishu event

Somaliland minister rejects control of airspace by Somalia govt

Somalia: Council of Ministers pass Puntland Constitutional Court Law

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us