Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Mar 28, 2013 - 2:21:12 PM
Wararka
PL oo heshiis la gashey Somali Ethiopia

Madaxweynaha Dowladda Puntland ee Somalia Dr. Cabdiraxman Maxamad Maxamud (Farole) ayaa booqasho rasmi ah ku gaaray Magaalada Jigjiga ee caasimadda Dowladda Deegaanka Somalida ee dalka Ethiopia, iyadoo uu kulamo muhiim ah la yeeshay madaxda Dowladda Deegaanka Somalida (DDS) ee dalka Ethiopia.

Madaxweynaha DDS Mudane Cabdi Maxamud Cumar (Cabdi Iley) oo ay Madaxweyne Farole kasoo wada duuleen magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Ethiopia maalintii Jimce 15 June 2012, iyadoo Madaxdaasi iyo Wufuudii la socotay si weyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Jigjiga, waxaana soo dhaweeyey qaar ka mid ah Mas'uuliyiinta DDS, Bulshada rayidka ah iyo saxaafadda.

Wafdiga Dowladda Puntland oo uu hogaamiyo Madaxweyne Farole ayna ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Gen. Cabdullahi Ahmed Jamac (Ilkajir) iyo Wasiirka Waxbarashada Mudane Cabdi Farax Siciid (Juxa) ayaa waxaa loo bandhigay xaflad-sharaf oo si heer sare ah loo sooagaasime.

Maalmihii ay Wafdiga Dowladda Puntland ku sugnaayeen Magaalada Jigjiga ayaa waxaa u qabsoomay howlo muhiim ah, iyadoo Mas'uuliyiinta DDS ay soo bandhigeen warbixin (presentation) ku saabsan qaabka uu maamulkoodu u shaqeeyo, mashaariicda horumarineed sida biyaha, waddooyinka iyo korontada ee ka socda deegaanada ay maamusho DDS, iyo xiriirka wadashaqayn ee ka dhaxeeya Dowladda Federaalka Ethiopia iyo Dowladda Deegaanka Somalida ee dalka Ethiopia.

Sidoo kale, Wafdiga Dowladda Puntland ayaa booqday xarumo ay ka mid yihiin Isbitaalka Guud oo dhismihiisa dhowaan la dhamaystiray, Jaamacadda Jigjiga oo ay dhigtaan kumanaan-kun arday Somali ah, Xarunta Agoomaha ee magaalada Jigjiga, iyo Dugsiga Caafimaadka (Health College), halkaasoo Madaxweynaha Puntland uu kula kulmay arday Reer Puntland ah oo deeqo waxbarasho ah ka faa'idaysanaya.

Wafdigii Dowladda Puntland oo uu wehliyo Madaxweyne-ku-xigeenka DDS Cabdifatax Maxamud Xasan ayaa kulan balaaran la yeeshay Odayaasha Dhaqanka ee DDS iyadoo laga wada hadlay arrimo la xiriira dhaqanka iyo isu dhowaanshaha iyo isdhexgalka dadka walaalaha ah.

Maalintii Isniinta 18 June 2012 ayaa waxaa Heshiis Guud si wadajir ah u saxiixay Madaxweynaha Puntland Dr. Farole iyo Madaxweynaha Dowladda Deegaanka Somalida ee dalka Ethiopia Mudane Cabdi Iley, iyadoo heshiiskaas uu sii xoojinayo heshiiskii Puntland iyo DDS ay wada saxiixeen 27 June 2010, waxaana Heshiiska Guud lagu xusay arrimo muhiim ah ayna ka mid yihiin Amniga iyo Ganacsiga sharci-darrada ah (Security and IlegalTrade); Dhiirigalinta Ganacsiga Sharciga ah (Lawful Commerce); iyo Iskaashiga Guud ee arrimaha Horumarinta sida biyaha, waxbarashada, iskaashiga xilliyada xaaladda degdega ah sida masiibooyinka dabiiciga ah (General Cooperation on Development Affairs).

Safarkii Wafdiga Dowladda Puntland uu hogaaminayey Madaxweyne Dr Cabdiraxman Farole ayaa guul ku soo dhamaaday iyadoo la filayo in si weyn loo dardargalin doono xiriirka wadashaqayneed ee arrimaha amniga iyo ganacsiga ee ka dhaxeeyaa Puntland iyo DDS. Wafdiga Puntland ayaa maalintii Talaado 19 June 2012 gaaray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, halkasoo uu ka furmay Shirkii Madaxda Somalida ee laxiriiray Geedisocodka (Roadmap-ka) sida arrimaha ansixinta Dastuurka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Somalia iyo dhamaystirka xilliga ku meel gaarka, si dalka Somalia u helo Dowlad rasmi ah.

Halkan ka daawo sawiradda booqashada Madaxweynaha Puntland Jigjiga
























Xigasho: Xafiiska Madaxweynaha Puntland
RELATED:
Gudiga kormeerka oo la mgacaabay
Puntland ayaa ka hadashay weerarkii UNDP Muqdisho
Barlamanka oo ka doodaya Guardfu


Advertisement
 

Politics of polarization destabilizing the new Somalia [Editorial]

EDITORS PICK:

Somalia: UN compound siege in Mogadishu by Al Shabaab kills 15
MOGADISHU, Somalia Jun 19 2013 (Garowe Online)

Somalia: PM Shirdon condemns attack on UN compound

Somalia: Al Shabaab militants storm U.N. compound in Mogadishu‏

Somalia: Somaliland bars federal gov’t authorized aircraft from landing

Somalia: Jubaland official wounded in Kismayo

Politics of polarization destabilizing the new Somalia [Editorial]

Somalia: Second mortar attack on presidential palace in 2 months

Somalia: Clashes kill 10 in Jowhar after clans accuse gov’t of ‘subjugation’

Somalia: Melbourne Diaspora hold welcoming event for President Farole

Somalia: Puntland President Addresses Somali Community at Melbourne Event

Somalia: Puntland VP convenes parliament session

Somalia: IED attack targets Wanlaweyn district official

St. Louis shooting: 4 dead, including gunman, at small healthcare business

Ethiopians in Egypt complain of Renaissance Dam backlash

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us