PL oo joojineysa Bacaha & Caagadaha 18 Nov 18, 2012 - 8:50:38 AM
GAROWE ONLINE
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Shiikh Maxamed Farole oo maanta 18 November,2012 kulan kaga qaybgalay xarunta PDRC Garowe si rasmi ah ugu dhawaaqey in Puntland joojineyso isticmaalka bacaha iyo Caagadaha.
Go'aankan ayaa ka danbeeyey ka dib daraasad ay aqoonyahano deegaanka ah iyo ardey jaamacadeed ka diyaarsheen dhibaatooyinka ay keento bacdu iyo istacmaalka caagaduhu.
Deegaanka xaalufkiisa ka sokow waxa lagu soo bandhigey goobta filim dokumenti ah oo ka shekeynayaa Bacaha istacmaalkooda cudurada iyo xanuunada laga dhaxlo iyadoona haweenka gada caanaha ugu horeeyaan dadka ka qaybgalaya ololahan lagu joojinayo bacaha iyo caagadaha.
Si loo dhiirigeliyo isticmaalka weelka Aqal Somaliga ayaa xarunta maanta waxa lagu soo bandhigey alaabta la dhigo ,kuwa caanaha lagu cabo iyadoona weliba haweenk jireen ku labisan dharkii hidaha iyo dhaqanka Somalida.