Puntland oo qabatey rag & Qaraxyo 18 Nov 18, 2012 - 2:19:49 AM
GAROWE ONLINE
Wasaarada Amniga Puntland ayaa maanta 18 November,2012 shaacisey in ciidamada amaanka Puntland gacanta ku soo dhigeen Xubno sar sare oo ka tirsan kooxda Al-shabaab iyo Qaraxyo ay wateen.
Wasiir xigeenka Amniga Puntland Cabdirisaaq Xareed Ismaaciil oo xafiiskiisa shir saxaafada ugu qabtey Garowe ayaa sheegey in shalay ''17 .Nov.2012'' hawlgal ciidamadu ka fuliyeen Galkacayo gacanta ku soo dhigeen Maxamud Nuux Aadan (Abu Xafsa) oo lagu sheegey madaxa kooxda u qaabilsan dilalka iyo qaraxyada.
Sidoo kale wasiirku waxa uu raaciyey in la soo qabtey isla hawlgalkii shalay Cabdirisaaq Xuseen Tahliil (Ilkacase) oo ah madaxa Saadka iyo Sahayda kooxda AL-shabaab.
Ragan ayaa lala soo qabtey walxaha qarxa oo kala duwan waxana ay kala ahaayeen:
.Jaakad diyaarsan oo loo isticmaalo isqarxinta
.F1 Bam gacmeedyo
.Noocyada kala gedisan ee baaruuda qaraxyada (sida TNT, IWM).
.Daasado ay ku jiraan qaraxyo diyaarsan.
.Taleefanada gacanta iyo rimuutyo.
.Filooyin iyo fiyuusyo.
.Saacado iyo Batariyo.
Docda kale wasiir xigeenka amniga Puntland ayaa tibaaxay in ciidamadu xalay deegaanka Buraan ee gobolka Haylaan ka soo qabteen 9-xubnood oo ka tirsan kooxda Al-shabaab kuna wajahnaa Buuraleyda Galgala iyo magaalada Bossaso.
Ugu danbeyntii ayaa Cabdirisaaq Xareed Ismaaciil waxa uu amaanay ciidamada Amaanka Puntland sida geesinimada leh ee ay uga hortagayaan falalka argagixisanimo iyo cida waxyeeleyneysa amaanka iyo xasiloonida Puntland.