Dr.Farole oo u tacsiyeeyey C/laahi Yusuf 23 Mar 23, 2012 - 4:09:23 AM
GAROWE ONLINE
Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole ayaa maanta 23,March 2012 tacsi tiiranyo leh ka direy geeridii ku timid Allaha u naxariistee madaxweynihii hore ee Somalia Col.Cabddulaahi Yuusuf Axmed oo saaka ku dhintey isbital ku yaal Dubai.
Madaxweyne Farole waxa uu samir Alle inuu ka siiyo Marxuumka u baryey eheladiisi isagoona Janadii Fordowsana ugu duceeyey Col.Yuusuf.
Aas Qaran ayuu shaaca ka qaadey Dr.Cabdiraxman Farole in loo samayn doono ,iyadoona sidoo kale hoos loo dajiyey calamadii Puntland iyo Somalia xarunta madaxtoyada muddo saddex maalmood ahna baroor diiq lagu dhawaaqey.
Taariikh nololeedkiisa iyo halgankii madaxweynihi hore ee Somalia iyo asaasihii Puntland ayuu wax ka taabtey Dr.Farole oo in badan ku tilmaamey dhidibadda Puntland inuu adkeeyey haatan uu sii wado isagu hawshii uu bilaabey.
Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin ayaa haddana goobta lagu aasayo la sheegey Puntland inay tahay meel ka mida,waxana laga dareemayey geerida madaxweynaha guud ahaan gobolada dalka.
Xarunta madaxtoyada ayaa maanta waxa isugu yimid madaxweyne ku xigeenka ,gudoomiyaha barlamanka ,wasiirada xukuumada ,mudanayaasha barlamanka,odayaasha dhaqanka,culimada iyo saxaafada waxana dhamaan Alle uga baryeen inuu raxmadiisa ku maneysto marxuumka.
Maamulka ,madaxda iyo shaqaalaha Radio Garowe & Garowe Online ayaa tacsi u diraya dhankooda eheladii uu gaeeriyoodey madaxweyne Cabdulahi Yusuf waxana Alle uga baryayaan inuu raxmadiisa ku galadaysto.
INAA LI LAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN.
Halkan ka dhageyso codka madaxweynaha Puntland Dr.Farole