Qarax ka dhacay Nairobi caawa 3 Aug 3, 2012 - 11:07:46 AM
Magaalada Nairobi ee xarunta Kenya ayaa Qarax xoogani ka dhacey caawa fiidkii meel wax u jirta fariisin ciidamada cirka ee Kenya ku leeyihiin.
Hal qof oo la aaminsanyahay inuu watey walxahan qarxey ayaa la xaqiijiyey dhimashadiisa iyo dhaawaca lix kale sida uu saaxafada usoo marsiiyey taliyaha booliska Nairobi Anthony Kibuchi oo raaciyey inay baaritaano ka bilaabeen goobta qaraxu ka dhacey.
Bilihii ugu danbeeyey ayaa bartamaha Nairobo waxa lala beegsanayey qaraxyo kala duwan tan iyo markii ay ciidamada Kenya gudaha u galeen Somalia October 2011.
Kooxda Al-shabaab ee gabalkeedu dhacayo koonfurta Somalia ayaa horey ugu goodisey inay weeraro ka fulin doonto gudaha Kenya,inkastoo aan la hubin banbaanooyinka gacanta lagu tuuro iyo weerarkii Jimcahanba ay yihiin waxay ka danbeeysey kooxdan xiriirka la leh argagixisada caalamiga ee Al-Qacida.