Qalab loo qaybiyey haweenka caanaha 10 Aug 10, 2012 - 6:18:13 AM
GAROWE ONLINE
Xarunta dowaldda hoose ee degmada Garowe ayaa waxa lagu qabtey xaflad kooban oo qalab casri ah oo lagu isticmaalayo caanaha loogu qaybiyey haween kor u dhaafaya 60 oo ka ganacasada Garowe caanaha xoolaha.
Gudoomiyaha degmada Cabdicasiis Nuur Cilmi ,madaxda mashruca caanaha ee hayada VSF Germany oo qaybineysay qalabkan ,masuuliyiin kale oo ka tirsan isla hayada ,saxaafada iyo haweenka loo qaybinayey ayaa ka soo qaybgalay.
Qalabkan oo looga danleeyahy inay bedelaan caagadaha iyo bacaha aan caafimaadka ahayn ee loo isticmaalo ku qaadashada caanaha ayaa waxa soo dhaweeyey haweenkii la gudoonsiiyey.
Duqa Degmada Garowe Cabdi Nuur Cilmi ayaa dhankiisa xusey in golaha degaanku in badan isla soo qaaden caagadaha caanaha iyo waxyeelada ay u keeni karaan ubadka iyo dadkaba isagoona ku darey in xeer ay ka soo saaren isticmaalka caagdaha iyo bacaha caanaha.