Un-ka oo ka digey xaalad Bini'aadanimo 17 Nov 17, 2012 - 5:27:58 AM
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in weli xalaad bani'aadamnimo ay Somalia ka jirto, iyagoo dalalka deeq bixiyeyaasha ah ka dalbaday in gargaarka Somalia lasii wado si aysan dib ugu soo laaban macluushii sanadkii hore dhacday.
Mark Bowden oo ah xiriiriyaha gargaarka bani'aadamnimo ee Somalia oo shir jaraa'id ku qabtay Nairobi maanta [Nov 17] ayaa sheegay in 2.5 million qof oo Somalia ku nool ay weli u baahan yihiin gargaar bani'aadamnimo.
"Inkastoo Xaalada Bani'aadamnimo ee Somalia ay ka wanaagsan tahay sidii hore hadana waxaa jira xaalado bani'aadamnimo oo khatar abuuri kara, waxaana hada haynaa in 2.5 Million ay u baahan yihiin gargaar Aadane" ayuu yiri Bowden.
Xiriiriyuhu wuxuu hadalkiisa ku daray in 1.2 Milyan qof oo Somali ah ay dhici karto in xaaladoodu ay khatar gasho hadii aan gargaar deg-deg ah la gaarsiin, isagoo intaa ku daray in dhaqaalihii ay dalbadeen si dadkaas loo caawiyo aysan xitaa kala bar helin.
Bowden ayaa sheegay in Dalalka Turkiga iyo Carabta ay qayb weyn ka qaateen sidii ay Somalia uga badbaadi lahayd macluushii ku dhufatay sanandkii hore, isagoo ugu yeeray dalalkaas deeq bixiyeyaal cusub oo qayb ka qaatay badbaadinta Somalia.
"Hay'adaha samafalka ee Qaramada Midoobay iyo kuwa aan dowliga ahayn oo dhan waxaa u bilowday inay tagaan goobaha Al-shabaab laga xoreeyay, waxayna dib u billaabeen inay caawiyaan shacabka deegaanadaas ku nool" ayuu Bowden daaha ka rogay.
Xiriiriyuhu wuxuu sheegay in dhibaatooyin badan laga maray inay hay'aduhu tagaan goobaha laga saaray Al-shabaab oo horay loogu diiday, isagoo xusay inay ka go'an tahay inay caawiyaan dadka dhibaateysan meel walba oo ay ku sugan yihiin.
Gabagabadii hadalkiisa ayuu ku sheegay in Beesha Caalamka looga baahan yahay $1.16 billion si loo caawiyo dadka Somalia ku nool ee u baahan gargaarka degdega ah ee bani'aadamnimo, si looga hortago inay dib u soo laabato macluushii sanadkii hore ku dhufatay.