Qarax ka dhacay Baarlamaanka 7 Nov 7, 2012 - 7:22:59 AM
Hal qof ayaa ku dhintay sadex qof oo kalena way ku dhaawacmeen qarax weyn oo maanta 7 November,2012 ka dhacay Barxad kasoo horjeeda Xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho taasoo ay xildhibaanada Baarlamaanku dhigtaan gaadiidka marka ay kulamada ku leeyihiin Xaruntooda Muqdisho.
Gaari waxyaabaha Qarxa lagas oo buuxiyay ayaa la dhigay gaadiidka dhexdooda kaasoo qarax weyn sameeyay, waxaana ku burburay gaadiid ay lahaayeen xubno ka tirsan baarlamaanka iyo dad shacab ah oo xiligaas ku tukanayay Salaada Duhur Masjidka Isbahaysiga Islaamka.
"Qaraxa waxaa ku dhintay hal askari oo Booliiska Soomaaliya. Ma jirto cid kale oo ku dhimatay" ayuu yiri Gen. Maxamed Cabdulle oo ka mid ahaa saraakiishii DF ee goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray, isagoo sheegay in gaariga qarxay lagu daray gaadiidkii ay xildhibaanadu lahaayeen.
Ma jiro Xildhibaan uu khasaare kasoo gaaray qaraxaas, waxaana qaraxan uu dhacay iyadoo xildhibaanada intooda badan ay ka baxeen xarunta inkastoo ay jireen xubno weli ku sugnaa gudaha xarunta oo uu ku jiray Afhayeenka Baarlamaanka.
Ciidamada AMISOM iyo kuwa DF ayaa xiray goobta oo dhan, iyadoo aysan jirin cid sheegatay inay ka dambeyso weerarkaas, balse mas'uuliyiin u hadlay DF iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa weerarkan ku eedeeyay Kooxda Al-shabaab.
Qaraxan ayaa wuxuu noqonayaa kii afaraad oo Muqdisho ka dhaca tan iyo markii lasoo doortay Madaxweynaha Soomalia Muddo laga joogo laba bilood, waxaana inta badan qaraxyadaas sheegatay Al-shabaab, iyadoo midkood qaraxyadan la doonayay in lagu dilo Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud.
Sabtidii lasoo dhaafay ayay ahayd markii laba nin oo Waxyaabaha Qarxa isku xiray ay weerar ismiidaamin ah ku qaadeen Baar ay ku sugnaayeen shaqaalaha DF qaar ka mid ah oo ay ku jireen saraakiil ciidan oo uu ka mid ahaa Afhayeenka Booliiska Col. C/llaahi Xasan Bariise.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka taagan xaalad amaandaro iyadoo sidoo kale la Ugaarsado Suxufiyiinta ka howlgala, waxaana sidoo kale ciidamada DF ay bilaabeen inay toogtaan dadka shacabka ah, taasoo eedeynteeda dusha laga saaray DF.