From Garoweonline.com
Qarax ka dhacay Baydhabo
By
Sep 11, 2008 - 8:20:04 AM
Hal qof ayaa ku dhintay 16-qof oo kalena waxaa kasoo
gaaray dhaawacyo kala duwan qarax maanta ka dhacay Baydhabo, kaasoo
lala bartilmaameedsaday ciidamo Booliis ah oo ku sugan suuqa digaaga.
Qofka dhintay ayaa ahaa rayid, iyadoo dhaawacyada ay isugu jireen
rag iyo dumar, uuna ka mid ahaa askari ka tirsan ciidamadii qaraxa lala
beegsaday, iyadoo dhaawacyada la dhigay Isbitaaka Baydhabo.
Goobta la weeraray oo ahayd saldhig yar oo ay ciidamadii dhawaan
lagu soo tababaray dalka Ethiopia halkaas ku leeyihiin; ayay kooxhii
falkaas qaraxa ah geystay goobta ka baxsadeen.
Howlwadeenada Isbitaalka Baydhabo ayaa sheegay in dhaawacyada lasoo
gaarsiiyay ay qaarkood yihiin kuwo culus ayna dhamaantood seexiyeen
isbitaalka, waxaana xirmay ganacsiga suuqa Baydhabo.
Weerarkaan ayaa ka dhigaya xaalada degmada Baydhabo ee xarunta
Gobolka Bay mid aan la isku haleyn karin, iyadoo dhawaan halkaas lagu
dilay xildhibaan Maxamed Cismaan Maye.
Diidamada DF iyo kuwa Ethiopia ayaa xiliga uu qaraxu dhacayay ka
waday degmadaas baaritaano ku aadan raadinta hubka iyo walxaha qaraxa;
iyadoo mudayaal ka tirsan DF ay dhawaan sheegeen in Baarlamaanka laga
raro Baydhabo.
Growe Online, Baydhabo
http://www.garoweonline.com