Ugu yaraan 4-qof ayaa ku dhaawacmay qarax xalay [July
4, 2008] ka dhacay Degmada Baydhabo ee Gobolka Bay, iyadoo qaraxaas
lala beegsaday saldhig yare ku yaala degmadaas.
Dhaawacyada ayaa waxaa ka mid askari ka tirsan booliiskii ku sugnaa
saldhigga la weeraray, iyadoo dadka kalena ay ahaayeen shibil halkaas
marayay, waxaana gaartay saldhig-yarahaas booliis kale oo ka gurmayday
saldhigga weyn ee Baydhabo.
Rasaas aad u badan oo ay fureen booliiska ayaan geysan wax khasaare
nafeed ah, waxaana durba xirmay ganacsiga iyo isku socodka dadka iyo
gaadiidka ee degmada Baydhabo, iyadoo dhaawacyada isla xalay la dhigay
Isbitaaka Baydhabo.
Dhaqtarka Isbitaalka Baydhabo Dr. Timir ayaa saxaafadda u sheegay in
laba ka mid ah dhaawacyada la gaarsiiyay Isbitaalka ay yihiin halis,
balse si gaar ah uma tilmaamin laba ruux ee dhaawacyadoodau daran
yihiin.
Qaraxan ayaa la rumeysan yahay inay ka dambeyaan kooxaha ka
horjeeda siyasadda DF, iyadoo aanay jirin cid loo qabtay qaraxaas inay
ka dambeysay ama ay ku lug lahayd.
Shacabka Baydhabo ayaa waxay sheegeen in qaruxu uu ahaa mid xooggan,
loona adeegsaday bam gacameed, iyadoo xaaladdu ay saakay ahayd mid
caadi ah, balse ay mar dambe ciidamo fara badan isku fidiyeen bartamaha
Baydhabo.
Ciidamadaan ayaan la garanayn tallaabada ay qaadi doonaan, balse
waxaa jira warar sheegaya inay baaritaanno ka sameyn doonaan gudaha
Baydhabo, iyagoo raadinaya walxaha qarxa iyo xubno ka tirsan mucaaradka.
Tallaabadaan lagu qarxiyay saldhigga Baydhabo ayaa kusoo beegmaysa
iyadoo Sheekh Abu-Mansor uu hanjabaad u soo jeediyay xildhibaanno ka
tirsan baarlamaanka oo uu ku eedeeyay inay wadaan qorshayaal ay ku
weerarayaan Al-shabaab.
Garowe Online, Baydhabo