From Garoweonline.com
Qarax lagu dilay 15-qof
By
Sep 1, 2010 - 8:57:09 AM
Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho shalay ayaa dilay ugu yaraan 15-qof oo ahaa rakaab la socday gaadiid dadweyne, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 25-qof oo isugu jiray qaybaha dowlada.
Miinada uu qaraxa ka dhashay ayaa lagu qariyay jidka dhinciisa, iyadoo dadkii ka badbaaday qaraxa ay sheegeen inay ku qaraxday sadex gaari oo rakaab kasoo qaaday suuqa Bakaaraha, mid ka mid ah ay gabi ahaan burburisay.
"Gaadiidka uu qaraxu haleelay ayaa u kala socday Ceelasha biyaha iyo Madiina, waxaana dadka ku dhintay ay dhamaantood ahaa rayid ka waraxayay shaqadooda kuna socday guryahooda" ayuu yiri mid ka mid ah dadkii ka badabaday qaraxaas.
Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa la sheegay inuu sidoo kale dilay laba shaqaale ah oo ku howlanaa dhismaha wadada, waxayna DF ku eedeysay qaraxaas kooxda ay dagaalka kula jirto ee Al-shabaab.
Howlwadeenada Isbitaalada Madiina ayaa u sheegay GO in dhaawacyadii lasoo gaarsiiyay ay laba ka mid ah dhinteen, intii kalena ay u sameeyeen gargaar caafimaad, ayna ku jiraan kuwo dhaawacyadoodu ay aad u culus yihiin.
Ururka Al-shabaab ayaan weli ka haldin weerarkan, waxaana halka uu ka dhacay oo ahayd jidka warshadaha ay ahayd meel ay qaraxyo dhowr ah kula beegsadeen ciidamada AMISOM ee saldhiga ku leh Kuliyadii Jaalle Siyaad.
Col. Cali Xasan oo ka mid ah saraakiisha DF ayaa sheegay in weerarkaan uu ahaa mid la damacsanaa in lagu weeraro ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM, isagoo sheegay inaysan ahyan markii ugu horeysay oo ay kooxdan dad shacab ku dilaan miinooyin ay dhulka geliyeen.
Dhanka kale, Muqdisho ayaa waxaa maalintii 10-aad ka socda dagaalo u dhexeeya DF iyo Al-shabaab oo kala kaashanaya xulufadooda, iyadoo duqeymo culus oo ku dhacay degmooyinka qaar ay geysteen dhaawacyo dad rayid ah.
GAROWE ONLINE
http://www.garoweonline.com