From Garoweonline.com
Qarax lagu diley Askari & rayid
By
Dec 30, 2008 - 6:44:52 AM
Inta la xaqiijiyay 3-qof oo ay ku jiraan askar ka tirsan DF ayaa ku dhintay qarax maanta ka dhacay degmada Xamarweyne, iyadoo qaraxaas lala eegtay gaari nooca rakaabka ah oo ay saarnaayeen askar.
Goobjoogayaal ku sugnaa halka uu qaraxu ka dhacay ayaa u sheegay GO in gaari la qarxiyay ay saarnaayeen ciidamo booliis ah, laba ka mid ahna ay ku dhinteen qaraxa, iyadoo sidoo kalena ay dhaawacmeen 4-qof oo kale oo midi uu ahaa askari.
"Baabuur nooca yaryar ah ee dadweynaha qaada [Mini-bus] ayaa saakay lagu qarxiyay Ceelgaab, waxaana halkaas ku dhintay 3-qof oo isugu jira ciidamo iyo rayid" ayuu yiri mid ka mid ah dadkii ka dhawaa goobta uu qaraxu ka dhacay.
Ciidamada Qaraxa lala beegsaday ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwo gaadiidka dadweynaha lacago baad ah uga qaadi jiray isgoyska Ceelgaab, iyadoo dhowr jeer oo hore ciidamadaan qarax lala beegsaday.
Gaarigii qaraxa lala helay ayaa la sheegay inuu burbur xoogan ka gaaray qaybta hore, iyadoo ciidamo halkaas ku sugan ay fureen rasaas aad u xoogan, taasoo aan geysan wax khasaare ah.
Ma jirto mas'uul ka tirsan DF oo ka hadlay qaraxa lala beegasday gaariga nooca rakaabka ah oo waday dad rayid ah, iyadoo qaraxyo noocan oo kale ah ay ka dhacaan caasimada.
Garowe Online, Muqdisho
http://www.garoweonline.com