Qarjab oo ka hadly Amaanka 13 Jan 13, 2013 - 5:02:40 AM
GAROWE ONLINE
Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cabdi Xirsi Cali [Qarjab] ayaa maanta 13 January,2013 ka hadlay nabadgalyada iyo howlgaladii ugu danbeeyay ee ay sameeyeen ciidanka amniga Puntland kuwaasii lagu xaqiijinayay amniga iyo xasiloonida.
Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa si kulul u weeraray kooxo uu tilmaamay inay qas iyo fowdo la damacsan yihiin Gobalka Nugaal gaar ahaan magalo madaxda Garowe,wuxuna sheegay inaysan mar danba arimaha caynkaasi oo kale ah mamulku u dulqadan doonin.
Wuxuna sheegay sidoo kale nidaamka axsaabta badan ee ka uunkay Puntland qofkii ka hor yimaada in la marsiin doono tilaabo sharciga waafaqsan iyo qodobka uu sharciga dastuurku ka qabanayo,isagoona shacbaka Gobalka Nugaal ugu baaqay inay ka qayb qaataan nidaamka dimoqraadiyada oo ku dhisan axsaab siyaasadeed iyo in la xoojiyo nabadgalyada Gobalka.
Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cabdi Xirsi Cali Qarjab ,arimo badan oo ku saabsan amniga Gobalka,nidaamka axsaabta badan la dagalanka burcad badeedka ayuu ka hadlay.
Halkaan ka Dhagayso Waraysiga uu Qarjab la yeeshay Cali Fantastic