Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Dec 15, 2011 - 11:05:44 AM
Wararka
Qax ka bilawday magaalada Lascanod


AKHRI Warsaxafadeed ku aadan Laasacaano [Dowladda Puntland]

Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool oo dhawaanahanba ay ka taagnaayeen rabshado wata banaanbax ayaa maanta waxaa gudaha magaalada ka bilowday barakac ay shacabku samaynayaan.
 
Cabdiraxmaan Daahir Gaas oo kamid ah odayaasha laascaano ayaa isagoo Tuka-Raq ku sugan lasoo  Xirriray Radio Garowe wuxuuna sheegay in ay kasoo qaxeen magaalada Laascaano kadib markii ay u dulqaadan waayeen sida loola dhaqmayo shacabka ku dhaqan magaalada waxa uuna hoosta ka xaariiqay in ay jiraan dad badan oo duleedka magaalada laascaano u bara kacay kadib markii si bini-aadanimo ka bax ah loola dhaqmay waa sida uu hadalka u dhigaye.
 
"Arinta kasocota Laascaanood waxa ay la mid tahay mida loo gaysanayo Shacabka Reer Falastiin oo ay gumaadayaan Yuhuuda anagana sidaa oo kale ayaa naloola dhaqmay, waxaa la xiray meheradihii waxaa la diiday in la hadlo waxaa la xir xiray dad aan waxba galabsan kuwo ayaa rasaas lala dhacay kuwona kas baa gawaari loo dul marshay waxaa Laascaanood ka kasocana waa gumaad" sidaana waxaa yiri Cabdiraxmaan Daahir Gaas oo ka mid ah odoyaasha Laascaano ee halkaasi kasoo barakacay.
 
Cabdiraxmaan ayaa Puntland iyo shacabkeeda u sheegay in ay hilmaameen Laascaanood in ay ka tirsan tahay Puntland loona baahan yahay sidii dib gacanta loogu soo dhigi lahaa waxa uuna sheegay in dad badan oo shacab ah ay iminka ku dacdareesan yihiin duleedka Laascaano ayna u baahan yihiin gar gaar in lala soo gaaro.
 
Mr Cabdiraxmaan ayaa qaraxyada ka dhaca Laascaano dusha uga tuuray Maamulka lamagacbaxay Somaliland si buu yiri ay ugu fududaato in ay ku tacadiyaan cid walba oo kasoo hor jeeda siyaasadooda la xiriidha Laascaanood.
 
Magaalada Laascaanood ayaa dhawaan waxaa ka bilowday qaraxyo loo gaysano masuuliyiinta Somaliland ee ku sugan halkaasi taasi oo  kaliftay in kabadan todobaad in isgaarsiinta laga jaro magaalada ugu dambayna ay kusoo biyo shubato qax iyo barakac aan looga baran magaaladaasi.

GAROWE ONLINE

RELATED:
Khasaarihii dagaalkii Buuhoodle
Barlamanka DF oo laga hadlay
Kolnyo Kenyan ah oo la weeraray

Advertisement
 

Islam -- Muhammad: The Last Prophet of God (SAW)

EDITORS PICK:

Somalia: Puntland leader warns of 'new civil war' as Somaliland forces attack Buhodle
BUHODLE, Somalia Feb 8, 2012 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us