Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Mar 28, 2013 - 2:21:12 PM
Wararka
Saacid & Wasiiro ku kulmay Muqdisho

Ra'iisul wasaaraha Somalia Saacid Faarax Shirdoon ayaa maanta 17 November ,2012kulan la yeeshay wasiirada cusub ee DF iyo kuwii hore, iyadoo kuankaas looga hadlay sidii ay wada-shaqeyn u dhexmari lahayd wasiirada cusub iyo kuwii hore.

Kulankan oo ka dhacay Villa Somalia ayaa waxay wasiiradii kulmay isku dhaafsadeen fikrado kala duwan oo ku saabsan howlihii lasoo qabtay iyo kuwa xukuumada cusub sugayay, iyadoo labada dhinac ay isku raaceen inay wadashaqeeyaan.


Wasiirkii hore ee Warfaafinta Xukuumadii KMG ahayd C/qaadir Jaahweyn ayaa sheegay in kulanka uu ahaa mid ay isku barteen wasiiradii iyo kuwa cusub loogana hadlay sidii ay labada dhinac u wadashaqeyn lahaayeen.


"Hambalyo ku saabsan howshii ay soo qabteen ayaa loo jeediyay wasiiradii hore, runtiina kulanku wuxuu ahaa mid jawi wanaagsan ku bilowday kuna dhamaaday, waxaana balanqaadnay inaan la shaqeyn doono wasiirada cusub" ayuu yiri Jaah-weyn oo saxaafada la hadlay.


Wasiirka Wafaafinta Xukuumada cusub C/llaahi Ciilmooge oo isna saxaafada hadal siiyay ayaa amaanay xukuumadii hore isagoo sheegay in hadii aysan shaqo qaban lahayn aan la joogeen halka maanta la joogo.


"Kulanka waxaa soo qabanqaabiyay Ra'iisul Wasaaraha wuxuuna ahaa mid xog kala qaadasho ah, waxaana naga go'aan intaan xilka hayno inaan qabano howlo adag" ayuu yiri Ciilmooge oo intaas ku daray inay rajeynayaan in marka uu waqtigoodu dhamaado ay xilka wareejiyaan iyadoo uu wax-qabadkoodu muuqdo.


Ugu dambeyn, wasiirada labada dhinac ayaa sheegay inay kala kororsan doonaan waayo-aragnimada, waxaana xukuumada cusub oo ka kooban 10 wasiir ay codka kalsoonida ah heshay todobaadkii lasoo dhaafay.


GAROWE ONLINE

RELATED:
Haweenka & Culimada oo ka hortagaya tacadiyada
Gudiga kormeerka oo la mgacaabay
PL ayaa ka hadashay weerarkii UNDP


Advertisement
 

Politics of polarization destabilizing the new Somalia [Editorial]

EDITORS PICK:

Somalia: Puntland Strongly Condemns Terrorist Attack on U.N. Compound in Mogadishu

PRESS RELEASE 20 June 2013

South African killed in Somalia named

Somalia: PM Shirdon condemns attack on UN compound

Somalia: Al Shabaab militants storm U.N. compound in Mogadishu‏

Somalia: Somaliland bars federal gov’t authorized aircraft from landing

Somalia: Jubaland official wounded in Kismayo

Politics of polarization destabilizing the new Somalia [Editorial]

Somalia: Second mortar attack on presidential palace in 2 months

Somalia: Clashes kill 10 in Jowhar after clans accuse gov’t of ‘subjugation’

Somalia: Melbourne Diaspora hold welcoming event for President Farole

Somalia: Puntland President Addresses Somali Community at Melbourne Event

Somalia: Puntland VP convenes parliament session

Somalia: IED attack targets Wanlaweyn district official

St. Louis shooting: 4 dead, including gunman, at small healthcare business

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us