Muqdisho: Dibadbax ka dhacay 21 Jan 21, 2013 - 6:05:07 AM
Ra’iisul wasaaraha Somalia Saacid Faarax Shirdoon ayaa maanta 21 January,2012 Muqdisho uga qaybgalay dibadbax lagu taageerayay Go’aankii Mareykanka uu ku aqoonsaday Dowlada Somalia, isagoo sheegay in go’aankaan uu ku yimid dadaal ay sameeyeen Soomaalida oo dhan.
Banaabaxan oo ka dhacay Barxad ku dhow Villa Somalia ayaa waxaa ka qaybgalay boqolaal dadweyne ah iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada, isagoo go’aanka Mareykanka uu ku aqoonsaday Dowlada Somalia ku tilmaamay mid Tariikhi ah oo irdaha u furaya Somalia.
“Munaasabadan waxaansi gaar ah ugu xusayaa aqoonsiga Mareykanku siisay dowladda Soomaaliyeed 22-sano kadib inay tahay mid ku timid dadaal ay si wadajir ah u sameeyeen shacabka Soomaaliyeed iyo xukuumadooda” ayuu yiri Saacid.
Ra’iisul wasaarha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: “Waxaan halkan mahad uga celinayaa shacabka iyo Xukuumada Marykanka oo garab-istaagay dowladnimada Somalia, waxaa yimid wakhti xasaasi ah oo loo baahnaa, waxaan u aragnaa Mareykanka saaxiibno garabkeena taagan”.
Sidoo kale, Saacid ayaa khudbadii uu u jeediyay dibadbaxayaasha ku xusay in Mareykanka uu caalamka gaarsiiyo dadaalka ay DF ku bixisay sidii loo sugi lahaa amaanka, si ay iyaguna u maraan jidka aad marteen.
“Mudo gaaban gudaheed waxaan ku sameynay dastuur, baarlamaan kooban iyo isbedel ay ku yimaadeen Baalamaan dimuqaadi ah iyo hogaankiisa, waana tan keentay in Dowalda Somalia aqoonsi caalami ah ay hesho, waxayna tani muujinaysaa in Somalia ay horay u sii soconayso” ayuu yiri Saacid.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Tarsan oo isaguna hadal ka jeediyay Mudaaharaadka ayaa sheegay in Shacabka ay Muqdisho ay ka go’an tahay inay taageeraan go’aanka lagu gaaray in Dowlada Somalia ay ka hesho Aqoonsi buuxa Mareykanka.
Wasiirka Arimaha Gudaha oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in Dowlada Mareykanka ay go’aansatay inaan la kala jarin Soomaaliya isla markaana uu aqoonsi caalami ah siiyo.
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa sheegay inay ku abaalmarin doonaan Degmadii ku guuleysata Mashruuca Nadaafada ee Gobolka Banadir lacag dhan 15,000 oo Dollar.