Saacid oo u digay Al-shabaab 1 Jan 1, 2013 - 5:29:39 AM
Ra'iisul Wasaaraha Somalia Saacid Faarax Shirdoon ayaa sheegay in xukuumadiisa ay u qorsheysan tahay inay dalka oo dhan ka saarto Al-shabaab oo uu ku sheegay inay tahay koox aan doonayn nabad ka dhalata dalka.
Saacid ayaa sheegay in Xuukumadiisa ay xooga saari doonto inta ay jirto sidii ay dalka oo dhan nabad uga dhigi lahayd, wuxuuna dhawaan sheegay in Muqdisho ay u diyaariyeen 1,000 askari oo qalabkooda u dhan yahay si ay amaanka guud ee caasimada u sugaan.
"Al-shabaab way diideen wax walba oo wadahadal ah oo ay Dowladu ku dayday, sidaa daraadeed waxaan go'aansanay inaan dagaal la galno si aan dalka oo dhan uga saarno" ayuu yiri Ra'iisul wasaaraha Somalia.
Sidoo kale, Ra'iisul wasaaruhu wuxuu hoosta ka xariiqay in tan iyo markii uu soo magacaabay golihiisa wasiirada ay qabteen howlo la taaban karo, taasoo uu ka xusay inay ku guuleysteen inay Muqdisho iyo deegaanada ku dhow-dhow ay ka qaadeen Isbaarooyin u yaalay kooxo hubeysan.
"Isbaarooyinka ay xukuumadu ku guuleysatay in la qaado waxay ahaayeen kuwo ay shaqsiyaad dhigteen ayna ka heli jireen bil walba lacag gaaraysa hal milyan oo Dollar, taasoo aan waxba loogu qaban jirin shacabka" ayuu yiri Saacid.
Ra'iisul wasaaruhu wuxuu sheegay inay ka go'an tahay inay la dagaalamaan si aysan dib ugu soo noqon Muqdisho Isbaarooyinka, sidoo kalena ay dadlka oo dhan ka qaadi doonaan Isbaarooyinka u yaala shaqsiyaadka.
Dowlada ayuu sheegay inay sameyn doonto qorshe ay dalka oo dhan kaga hir-gelin doonto ururinta Canshuuraha oo ah daqliga ay dowladu ku howlgeli doonto, isagoo sheegay in kaalmo dibadeed aysan waxba u tagayn Xukuumada iyo shacabka Soomaaliyeed.
Hadalkan ra'iisul wasaaruhu uu sheegay ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo ay maanta uu dhashay sanad cusub, isagoo sheegay in Sanadkan cusub ay rajo weyn ka qabaan in dalka uu horumar intan ka fiican gaaro.