Home
  Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
KLM Europa 2008
Last Updated: Jul 3, 2009 - 9:33:12 PM
Wararka
Sadax qarax oo ruxay Baydhabo


Ugu yaraan 3-qof ayaa ku dhintay 19-kalena way ku dhaawacmeen sadex qarax oo ruxay maanta degmada Baydhabo, kuwaasoo lala bartilmaameedsanayay ciidamo booliis ah.

Qaraxyadaan ayaa ka dhacay suuqa gancsiga Baydhabo, iyadoo dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay isugu jiraan Booliis iyo shacab, kuwasoo ganacsi ku haystay suuqa ay qaraxyadu ka dhaceen.

Walaxaha qarxay ayaa lagu sheegay inay ahaayeen bambooyinka gacanta laga tuuro kuwaasoo aysan xiliyo badan u dhexeyn, iyadoo rasaas ay booliisku fureen ay waxyeelo geysatay.

Dr. Aadan C/raxmaan [Gantelman] oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in la gaarsiiyay Isbitaalka Baydhabo 19-qof, kuwaasoo isugu jira dhaawacyo culus iyo kuwo fudud.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamadu ay dhaawacyo u geysteen dad ka cararayay goobaha ay qaraxyadu ka dhaceen, kuwaasoo dhaawacyo halis ah ay gaareen.

Taliyaha booliiska Baydhabo ayaa Col. Aadan Biid ayaa sheegay inaysan garayn cid ka dambeya qaraxyada, balse ay tuhmayaan kooxaha mucaaradka ah, ciidamaduna ay wadaan baaritaano.

Laba maalmood ka hor ayay qaraxyo isxigay oo noocan ah gilgileen Baydhabo, kuwaasoo ay ku dhinteen 4-qof ayna ku dhaawacmeen 15-qof oo kale, mana jirto cid sheegatay inay ka dambeyso.

Shacabka Baydhabo ayaa sheegay inay arkeen dad ay ciidamada booliisku u qabqabteen qaraxyadaas; iyadoo qaraxyadaan ay kusoo beegmayaa xili la wado howlo lagu sugayo amaanka Baydhabo.

Dhanka kale, ciidamo Ethiopian ah ayaa maanta ka baxay warshadii Xasey oo ahayd saldhigooda ugu weyn Baydhabo, iyagoo dibada uga baxay magaalada; balse aan la xaqiijin karin halka ay aadeen.
 
Garowe Online, Baydhabo

RELATED:
Sarkal ka gostey Maxkamdaha oo hadley
Warbixin: Dagalka oo xogeystey
Madaxweynaha PL oo ka qayb galey xuskii 1 July Minnesota

Advertisement
 

Analysis: Somalia aid tied to shaky government

EDITORS PICK:

Somalia: Mogadishu violence, exodus continue for third day
MOGADISHU, Somalia July 3 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us