Home
  Africa
  World
  Islam
  Health
  Photos

World Islamic Prayer

Cimilada
VOA Somali
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00
Deutsche Welle
BBC Radio
Voice of America
IRIN Radio
NPR Radio
Radio Netherland
Last Updated: Jan 13, 2010 - 1:35:13 PM
Wararka
Salaas Cali Jeele oo dhaliiley DFKMG ah


Xildhibaan Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in khilaafyada soo laalaabtay ee u dhexeeya madaxda DF ay yihiin kuwo ka dhashay maamul xumo iyo hogaan xumo.

"Ma jirto cid inkiri karta in khilaafaadyada soo laalaabtay ee u dhexeeya Madaxda DF ay yihiin nasiibdarooyinka lasoo gudboonaatay dowlada, balse lama dhahayo sidee u dhaceen; waase in waayo aragnimo laga qaato" ayuu yiri Salaad Cali Jeelle.

Xildhibaanka oo ku sugan Baydhabo ayaa sidoo kale xusay in madaxda DF looga fadhiyo inay noqdaan koox isku xiran oo dadka iyo dalka ugu shaqeeya si daacad ah, ayna iska daayaan is-fiirfiirsiga.

"Kulanka dhawaan ka dhacaya dalka Kenya oo ay ku baaqday IGAD, waa mid dib loogu eegayo waxqabadka DF, waayo dowladu waxay ku guuldareysatay inay wax qabto 4-tii sano ee ay jirtay" ayuu yiri Salaad Cali Jeelle.

IGAD, waxay ugu yeeraysaa Madaxda DF sidii ay talooyin iyo tusaale ugu biirin lahayd howlahooda, waayo IGAD ayaa qayb ka ahayd dhismaha TFG-da, waana fursad wanaagsan, waayo waxay cadeyn tahay buu yiri inaan Somalia la iloobin ayuu mar kale sheegay Jeelle.

Xildhibaan Jeelle wuxuu gaashaanka ku dhuftay in dowladu ay ku shaqeynayso dalka Kenya, taasna ay tahay sababta loogu yeeray, isagoo xusay in shir soconaya 3-maalmood loogu yeeray.

"Cid aan ogeyn ma jirto in waxqabadkii laga doonayay DF aanu muuqan, taas ayaana keentay in shirkan lagu baaqo, balse waxaan ku shaqeynaynaa dalkeena, mana ahan wax suurogal ah inaan ku shaqeyno dal kale" ayuu mar kale yiri xildhibaan Salaad Jeelle.

Mudanahan, ayaa ugu dambeyn sheegay in sida ugu haboon ee looga gudbi karo khilaafaadyada soo laalaabtay ay tahay in madaxda DF ay go'aan ku gaaraan inay gacmaha is-qabsadaan.
 
Garowe Online, Muqdisho
RELATED:
Heshiska PL & Ismada SSC- Dawo sawiro
Ahlu sunah oo DFKMG ah laga siinayo 5 Wasiir
Senator ka hadlay warbixintii UN-ka

Advertisement
 

Somalia: Backing the Wrong Horse

EDITORS PICK:

Somalia: Puntland gov't, Elders sign agreement
Somalia Mar 18, 2010 (Garowe Online)

About Us | Disclaimer | Copyright | Contact Us