Somali Links
--
All Puntland
Agabso.com
Allsomali.com
Altaqwaa
AAayaha
BBC Somali
Biyokulule
Dayniile
Halgan
Hiiraan
Hornafrik
Horseednet
Puntlandpost
Radio Daljir
Radio Galkacyo
Radio Midnimo
Mudugonline
Qaadisiya
4Somaliwomen
Shabelle Media
SBC Online
Somali Irrigation
SomaliStartpage
Somalitalk
Somaliwide
Wayaha
Widhwidh
Last Updated: Mar 28, 2013 - 2:21:12 PM
Sanadguurada 14aad ee Puntland
1 Aug 1, 2012 - 2:44:32 AM
Magaala madaxda Puntland ee Garowe ayaa maanta 1 August ,2012 waxa siweyn looga dhigey dabaaldega munaasabada 14 sanno guurada ka soo wareegtey asaaskii Puntland.
Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole ,kuxigeenka Gen.Cabdisamad Cali Shire ,gudoomiyaha barlamanka Cabdirashiid Maxamed Xirsi ,taliyaha ciidamada difaaca Puntland Gen.Siciid Maxamed Xirsi ,wasiirada xukuumadda ,mudanayaasha barlamanka ,marti sharaf lagu casumey iyo kumanaan kun oo dadweyne ayaa si wadajir ah uga qaybgalay xuskan.
Fagaaraha Barxada Garowe ayaa socod waxa ku marey fardooley ,dhalinyaro ,haween ,ardeyda iskuulada ,kuwa jaamacadaha ,shaqaalaha dowaldda ,barakacayaasha ,ciidamada kala duwan ee Puntland oo dhamaan salaam siiyey madaxweynaha iyo xubnihii wehelinayey.
Qiiro wadanimo ,dareen farxadeed iyo damaashaad ayaa hareeyey goobta xafladu ka dhaceysey waxana dabaaldega daadihinayey kooxda Baambeyba ee ka tirsan booliska Puntland.
Kadib markii socodku dhamaadey ayaa Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole waxa uu la hadlay dadweynihi madasha isugu yimid waxana uu ugu habalyey munaasabada sanadguurada 14aad ee Puntland.
Dadaal dheer ayuu tilmaamey madaxweynuhu in loo galay sidi Puntland loo dhisi lahaa iyo horumarka ay ku talaabsatey maanta kadib sanadihii ay jirtey,waxana uu sidoo kale raaciyey in maanta oo kale guul u tahay guud ahaan shacabka Soomaliyeed.
Waxa lagu wadaa in weli ka sii socdaan Garowe dabaaldega xuska sanadguruada 14aad ee Puntland iyadoona galabta lagu wado garoonka kubadda cagta Mire Awaare inay ku hardamaan labo kooxood koobka loo dhigey munaasabada.
Halkan ka daawo sawirrada munaasabadii ka dhacdey Garowe maanta
Qaybta koowaad sawiradda Xuska August
Qaybta labaad sawiradda Xuska August
Qaybta saddexad sawiradda Xuska August
Qaybta afraad sawiradda Xuska August
Qaybta shanaad sawiradda Xuska August
GAROWE ONLINE