From Garoweonline.com

Wararka
Sarkaal ka goostay Shiikh Shariif
By
Feb 8, 2010 - 1:54:11 PM

Mid ka mid ah saraakiil uu Sh. Shariif ugu talogalay inuu kula dagaalamo kooxaha kasoo horjeeda ayaa maanta ku biiray Al-shabaab, sida ay shaaciyeen saraakiisha kooxdan oo dagaal kula jirta DF.

Shir jaraa'id oo uu Muqdisho ku qabtay Afhayeenka Al-shabaab Sh. Cali dhere ayuu ku sheegay in Col. Baashe Axmed Urur oo ka mid ahaa saraakiisha DF ay ugu talogashay inay iyaga ku weerarto uu maanta dhankooda u soo wareegay.

"Walaalkeen Baashe wuxuu ka mid ahaa ciidamada ku xareysan Jasiira, wuxuuna go'aan ku gaaray inuu dhankeena u soo wareego si uu uga qaybgalo jihaadka, isagoo wata ciidamo badan" ayuu yiri Sh. Cali dhere.

Afhayeenku wuxuu saxaafada tusay 50-qori oo AK-47 ah, kuwaasoo uu sheegay inay wateen ciidamo la socday Col. Baashe, kuwaasoo aan saxaafada la tusin, wuxuuna ugu baaqay ciidamada kale e dowlada inay kasoo baxaan xeryaha.

"Hadii la idiin sheegay in Al-shabaab ay dadka gowracdo waa been, waan idin soo dhaweynaynaa hadii aan nagu soo biirtaan, idinkoo doonaya inaad qayb ka noqotan jihaadka" ayuu yiri Afhayeenka Al-shabaab.

Col. Baashe Axmed Urur oo isaguna ka hadlay shirka jaraa'id ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu kusoo biiro Al-shabaab uuna kasoo baxo DF, uuna ugu baaqayo ciidamada iyo saraakiisha ka haray inay safkiisa soo raacaan.

"Waxaa naloo sheegi jiray in Al-shabaab ay dadka gowracaan, balse anigu maanta waxaan darmeenay nafis, waayo xerada aan joogno waxaa dhowr jeer ka dhacay dagaal askarta dhexdooda ah, mana jirto cid u garsoor-qaada" ayuu yiri Col. Bashe.

Sarkaalkan oo ka mid ahaa kuwii lagu soo tababaray dalka Jabuuti ayaa sheegay in dhowr askari ay dhexdooda iska dileen, ayna amarka ka qaadan jireen ciidamo saraakiil shisheeye ah.

Gooshada Col. Baashe Axmed Urur ayaa imaanaysa iyadoo DF ay dhawaan shaaca ka qaaday inay weeraro ku qaadi doonto goobaha ay gacanta ku hayaan kooxaha kasoo horjeeda, iyadoo Al-shabaab iyo Xisbul Islam ay bilaabeen inay magaalada ka guuraan.

GAROWE ONLINE



http://www.garoweonline.com