From Garoweonline.com
Sarkaal Shabaab oo lagu dilay Kismayo
By
Mar 20, 2010 - 12:24:47 PM
Sarkaal ka tirsan Ururka Al-shabaab ayaa xalay [Mar 20] lagu toogtay Magaalada Kismaayo ee Jubada hoose, waxaana dilkiisa ka dambeeya laba wiil oo ku hubeysan bastoolado, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta gobolkaas.
Gudoomiyaha Jubooyinka ee Al-shabaab Sh. Ibraahim Cali Aadan oo ka hadlay dilkan ayaa sheegay inay ka dambeeyeen laba qof oo ku hubeysan bastoolado, wuxuuna tacsi u diray ehelada mas'uulkaas uu ka dhintay.
Ruuxa la dilay ayaa ahaa madaxii ciidamada amaanka ee degmada Dhoobley oo ka tirsan Gobolka Jubada hoose, kaasoo lagu magcaabi jiray Sh. Da'ud Xasan Cali, iyadoo la toogtay meel ku dhow gurgiisa.
"Dhowr xabadood oo madaxa looga dhuftay ayaa sababay inuu dhinto Sh. Da'ud, labadii qof ee dilkiisa ka dambeeyayna waxay baxsadeen" ayuu yiri Sh. Ibrahim Cali Aadan ku sheegay shir jaraa'id oo uu maanta ku qabtay Kismaayo.
Ma jirto koox sheegatay inay ka dambeyso dilka mas'uulkan, waxaase la qabqabtay dhowr qof oo lagu eedeeyay inay wax ka ogaayeen shirqoolka lagu dilay sarkaalkan, kaasoo howlo shaqo u joogay Magaalada Kismaayo.
Ciidamada amaanka ee Kismaayo ayaa howlgalo ka bilaabay Magaalada Kismaayo iyagoo baadi goob ku haya labadii qof ee ka dambeeyay dilka madaxii ciidanka amaanka ee Dhoobley.
"Waxaan dadaal ugu jirnaa sidii aan kusoo qaban lahayn dhagar qabayaashii dilay Sh. Da'ud, howlgalo ayaana socda" ayuu yiri gudoomiyaha maamulka Jubooyinka ee hoostaga Ururka Al-shabaab oo awood badan ku leh Goboladaas.
Goobjooge diiday inuu magaciisa sheego ayaa laga soo xigtay in dilkan uu ahaa mid qorsheysan uuna ka dhacay meel aad ugu dhaweyd, wuxuuna yiri: "Laba nin ayaa ka toogtay madaxa marxuumka, wuxuuna si dhaqso ah ugu dhacay dhulka, cabsi weyn ayaa nala soo daristay, waayo waxay ahayd mid aana filayn".
Warar aan la hubin ayaa sheegaya in dilkan ay ka dambeeyeen xubno ka tirsan Xisbul Islam, kuwaasoo horay dagaal looga saaray degmada Kismaayo, kadib markii iyaga iyo Al-shabaab isku khilaafeen maamulka degmada.
Sarkaalkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo ka tirsan Al-shabaab laguna toogto Magaalada Kismaayo, iyadoo mas'uuliyiinta degmadaas ay sheegeen in dhacdadan oo kale aysan soo noqon doonin.
GAROWE ONLINE
http://www.garoweonline.com