Sarkaal ka tirsan ururka Xisbul Islam oo lagu magacaabo Sh. Cismaan Fiidow Xasan ayaa xalay lagu weeraray degmada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose, iyadoo kooxaha weerarkiisa geystay ay u suurogashay inay ka baxsadaan goobta.
Mas'uulka la weeraray oo dhanka garsoorka u qaabilsan Maamulka halkaas ka jira ee ay taageeraan Xisbul Islam ee degmada Afgooye, waxaana weerarka oo ahaa bam lagu tuuray gurigiisa aanu geysan wax khasaare ah.
"Weerarku wuxuu ahaa mid fulaynimo ah, waxaana ka dambeeyay kooxo kasoo horjeeda maaulka, waxaana socda baaritaano lagu raadinayo" ayuu yiri Sh. Fiidow iyadoo qaraxa bamka uu cabsi weyn ku beeray dadka degmada Afgooye ku nool.
Galinkii dambe ee xalay [2:00 AM] ayuu weerarkan dhacay, waxaana dhawaqiisa laga maqlay xaafadaha kala duwan ee degmada Afgooye, wuxuuna khasaare u geystay dhismaha guriga uu mas'uulkan daganaa.
"Qaraxu wuxuu ahaa mid xoogan... cabsi ayaan dareenay... dad badan ayaa kasoo baxay guryahooda... xaaladuna waxay xalay oo dhan ahayd mid cabsi badan" ayuu yiri Axmed Muude oo ka mid ah dadka degmada Afgooye ku nool.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa inta badan weeraro loogu geystaan saraakiil ka tirsan Ururka Xisbul Islam, iyadoo todobaadkii hore la weeraray sarkaal ka horyimid heshiiskii lagu gaaray Baydhabo ee Al-Shabaab iyo Raaskambooni.
Sarkaalkaas oo lagu magacaabo Barre Cali Barre ayaa u sheegay warbaahinta in weerarkiisa uu ahaa mid qorsheysan ayna ka dambeeyeen cadowga Islaamka, isagoo ka gaabsaday inuu carabka ku dhufto magacooda.
Xubno ka tirsan maamulka Xisbul Islam ee degmada Afgooye ayaa weerarkaas ku eedeeyay Al-shabaab oo xulufo ay kula ahaayeen dagaalka looga horjeedo AMISOM iyo Dowlada Somalia.
GAROWE ONLINE