From Garoweonline.com
Sarkaal lagu diley Laascaano
By
Aug 31, 2010 - 3:06:13 PM
Waxaa caawa 31.08.2010 xiligii Afurka gudaha magaalada Laascaanood lagu dilay taliyihii xabsiga dhexe ee Laascaanood G/Sare Cabdi Ciise Nuur iyo Labo ka mid ah ilaaladiisa oo dhaawac soo gaarey.
Wararka ayaa sheegaya in koox dabley ah ay toogteen taliyaha xilli uu ka soo baxayey gurigiisa oo ku yaala Woqooyiga magaalada Lascaanood lamana garanayo cidda ka danbaysay ,raga dilka gaystay ayaa baxsady iyadoo faahfaahin dheeraad ah la hayn maadaama waqtigu ahaa afurkii.
Sannadkan cusub iyo kii hore dabayaaqadisii ayaa magaalada Laascaanood waxaa lagu dilay ilaa 7 sarkaal oo ka tirsan mas'uuliyinta gobolkaasi u jooga maamulka Somalilaland.
Dilalka qorsheysan oo aalaaba dhaca ayaa la xiriiriyaa kooxo gacansaar la leh ururada Islaamiyiinta ah ee ka dagaalama Koonfurta Somalia.
Dhageyso Irbad wareysanaya Faysal Jaamac oo ah wariye madaxbanaan
http://www.garoweonline.com